Wasiirka Amniga “Anigaa xilkeyga ku weynaya, hadii aan la keenin dadkii geystay dhacdadii Xamar weyne”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa walaac ka muujiyay falalka amnidarada ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dilal qorsheysan oo shalay ka dhacay Magaalada

Maxamed Abuukar Islaaw, ayaa sheegay in loo baahan yahay soo qabashada dadkii ka dambeeyay dilalkii Xamar weyne ka dhacay, waxaana uu intaasi ku daray, haddii la soo qaban waaya in Saraakiil badan oo ciidamada ka tirsan xilka inay ku waayi doonaan.

Wasiir Islow oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska ee Jen. Kaahiya ayaa sheegay in aan marna loo dulqaadan karin in wixii shalay ka dhacay magaalada, iyadoo waddooyinka magaalada ay ku sugnaayeen ciidamo, isla markaana la xiray jid cadayaasha.

“Magaalada waa ay xir xiran tahay waxaan ognahay Baabuur dhib gaysto inuusan baxsan Karin, hadana Xamar weyne wixii ka dhacay in la dhaho baabuurka wuu baxsaday la iska yeeli maayo, aniga ayaa xilkayga ku waynaayo.” Ayuu yiri Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).

Warar soo baxaya ayaa sheegaya goobtii shalay dilka uu ka dhacay inay ku sugnaayeen meel ku dhaw Ciidamada Booliska Somaliya oo falka dhacay jawaab aysan ka bixin.

Ciidankii ku qornaa goobta ay wax ka dhaceen ayaa la sheegay qaarkood inay xiran yihiin, halka kuwa kalena baaris ay ku socoto.