Wararkii ugu dambeeyey qarax ay ku dhinteen dhowr qof oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa lala beegsaday gaari Land Cruiser oo marayey Kaxda.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan saddex ruux, halka uu ku dhaawacmay qof kale, kuwaas oo la socday gaariga la qarxiyey.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray dhacdada kadib, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma cadda bartilmaameedka qaraxan, mana jiro weli wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi khasaaraha dhaliyey.

Si kastaba qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey Muqdisho, kuwaas oo isugu jiray dilal qorsheysan iyo qaraxyo intaba.