Dagaal ka qarxay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal markale dib uga qarxay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa saaka ka billowday halka loo yaqaano Beledunuur oo ku taalla galbeedka Beledweyne, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed, kuwaas oo haatan dagaalkooda dib uga sii qarxay halkaasi, waxaana socotay rasaas xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ay isku qabsadeen laba dhinac ee dagaalamay.

Sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inuu ku baxay xiisadaasi, islamarkaana uu ciidamo geeyey goobta lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dhaq-dhaaqyo ciidan laga dareemayo xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.