Xog: Xiisad horseedi karta iska hor-imaad oo ka taagan xarunta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogesatay xiisad iyo is faham waa muddo dheer u dhaxeeya ciidan ka titsan booliska Soomaaliya oo ilaalo ka haya xarunta dowladda Hoose ee Xamar iyo ciidanka ilaalada u ah guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho. 

Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha iyo ciidanka booliska ee ku sugan xarunta gobalka ayaa Caasimada Online u sheegay in todobaad ka hor ay dhacday halis weyn kadib markii ay is qabteen labada ciidan, taas oo sababi gaartay in xarunta lagu dagaalamo. 

Ciidanka la socda duqa magaalada oo ah kuwa aad u hubeysan ayaa u badan kuwa xigtidiisa ah oo ah maleeshiyadii uu haysan jiray markii uu ahaa hoggaamiye kooxeedka, waxaana la sheegay in ay dhowr jeer u hanjabeen ciidanka booliska ee halkaasi ku sugan. 

Labadaan ciidan ayaa isku qabtay marar badan hab maamulka amniga xarunta oo aan saldhigan tan iyo markii la dilay duqii hore ee saraakiil kale.

Cumar Filish ayaa kadib dilkii Allaha u naxariistee Injineer Yariisow ka aamin baxay ciidamada dowladda, wuxuuna wataa ciidan awood badan oo kasoo jeeda beesha Daa’uud ee uu ka dhashay halka ciidankii booliska ay iyagana weli joogaan xarunta.

Ciidamada Filish oo inta badan shaki qaba ayaa la sheegay inay marar badan ku amar taagleeyeen ama si aan wanaagsaneyn ula dhaqmeyn ciidamada booliska, taasi oo ah sababta mar kasta dhalisa xiisadda.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ilaa hadda aysan jirin cid arrintaan wax ka qabatay islamarkaana ay keeni karto in goobtaasi lagu dagaalamo.