Wararkii ugu dambeeyey qarixii maanta ka dhacay Xamarweyne + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxa is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay qeybo ka mid ah caasimada ayaa waxaa uu fuliyey ruux isku xiray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay saldhigga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli is-miidaamiyaha ay ceyrsanayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo war qoraal soo saaray ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in ciidanka ammaanka ay ka shakiyeen ninka qaraxa fuliyey, kadibna uu cararay, isaga oo iska tuuray suunka oo goor dambe ku qarxay meel cidlo ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Nin wata suunka qarxa oo doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayay ciidamadu ka shakiyeen, iyaga ceyrsanaya ayuu tuuray suunka qaraxa, ka dibna meel cidlo ah ayuu ku qarxay suunkii,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka.

Cali Yare ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in qaraxan uu ku dhaawacmay hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gacanta lagu dhigay qof laga shakinsan yahay oo ay qabteen ciidamada ammaanka qaraxa, kadib.

“Hal sarkaal ayaa ku dhaawacmay. Qof laga shakinsanyahay ayaa gacanta lagu hayaa.Aad ayaan ugu Mahadnaqeynaa ciidanka Amniga,” ayuu sii raaciyey.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal & qaraxyo kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.