DF oo sheegtay in dalka uu ‘ka badbaaday afgambi’

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Jimcahii lasoo dhaafgay la isku dayay in dalka Afgabim lagu qabsado.

Wasiirka wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen isku daygaas, balse la damacsanaa in dalka la qabsado, iyadoo jimcadii lasoo dhaafay ay dowladda hor istaagtay banaabax nabadeed oo ay ku baaqeen midowga musharaxiinta.

“19-kii bishaan waxaa Muqdisho ka dhacay isku day Afgambi, ciidamo hubeysan ayaa yimid meel u dhaw Villa Somalia waxeyna dhaheen dalka dowlad kama jirto, madaxweyne ma jiro, waxaase Alle mahadiis ah in laga hortagay isku daygaas,” ayuu yiri Dubbe.

Hadalka wasiirka wuxuu kusoo aadayaa xilli midowga musharaxiinta ay mar kale ku baaqeen in 26-ka February oo ku aadan jimcaha ay qaban qabaabinayaan banaabax nabadeed maadaama midkii hore ay dowladda hor istaagtay.

Sidoo kale sii hayaha wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay in marnaba dowladda aysan ogolaan doonin in la isku yimaado, fursadda kaliya oo ay qof walba heysatana ay tahay iney TV-yada kasoo muuqdaan, taasoo muujineysa in mar kale dowladda ay diidi doonto banaanbax ka dhaca Muqdisho.

Mareykanka ayaa ku cel-celiyay in dowladaha aan laga yeeli doonin iney xuquuqul insaanka ku tuntaan iyagoo marmarsiyo ka dhiganaya xanuunka Covid19, hadana dowladda wali waxey ku adkeysaneysaa amarkeedii ahaa inaan la isku imaan karin.

17-kii bishaan ayey dowladda shir jaraa’id ku sheegtay inaan la isku imaan karin, maadaama uu si weyn u faafay xanuunka Covid19, sidaas darteed wali go’aankeeda ayey ku taagan tahay.