Wararkii ugu dambeeyey Sarkaal iyo 9 ka mid ah ciidankiisa oo ku dhintay Qarax ka dhacay Walla-weyn

Wanla Weyn (Caasimadda Online) – Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta lagu qarxiyay deegaan magaalada Muqdisho kaga beegan 80 Km sidoo kale qiyaastii 10 Km oo dhinaca Muqdisho ah kaga beegan degmada Walla-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha amaanka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Gaariga ay saarneeyeen 13 Askari iyo Taliyahooda,waxaana ku dhintay 9 Askari iyo Sarkaalkii la socday.

Guddoomiye ku xigeenka amniga Degmada Wanllaweyn ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Gaari Ciidanka dowaldda ay wateen ay miino kula kacday inta u dhaxeysa Balli-doogle iyo Wallanweyn, halkaas oo uu khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada ayuu sheegay in ay ka soo baxeen Balli Doogle kuna jeedeen Muqdisho,waxaa uu sheegay in Dadka dhintay uu ka midyahay Taliye Urur oo ka mid ah guutada 6aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha geeriyooday ayuu magaciisa ku sheegay Mukhtaar Maxamed Caddoow oo ahaa ninka watay Ciidanka uu Gaarigooda Qaraxa haleelay.

Ciidamada dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayuu sheegay in ay geeyeen Saldhigga Ciidanka Cirka ee Balli Doogle,waxaa uu intaas ku daray in hal qof oo la tuhmayo loo qabtay weerarkaas.

Degmada Walla-weyn ayaa shalay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 14 qof.

Qaraxaan ayaa ka dhigan in 24 Saac Gudahood ay degmada Walla-weyn ku dhinteen 24 qof oo isugu jira Ciidan iyo Shacab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com