Madaxweyne Farmaajo oo Baarlamaanka ka codsaday inay hal arrin ku caawiyaan xukuumadda Xasan Cali Kheyre

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalbaday wadashaqeyn dhex marta Madaxtoyada, xukuumadda iyo Baarlamaanka.Isagoo khudbad ka jeediyay munaasabad dib u dhacday o maanta lagu caleemasaaray guddoomiyaha cuusb ee Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheeh C/raxmaan ayuu sheegay in Xildhibaannada looga baahan yahay in ay la xisaabtamaan Xukuumadda ayna la shaqeeyaan.

Wuxuu intaas ku daray in xiriirka ka dhaxeeya Madaxtooyada iyo Xukuumadda uu yahay mid aad u wanaagsan sidaas oo kalena ay muhiim tahay in xiriirka Xukuumadda iyo Golaha shacabka uu noqdo mid joogto ah oo wadashaqeyn buuxda u dhisan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Golaha shacabka ugu baaqay inay la xisaabtamaan Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Kkeyre si loo gaaro howlaha horyaalla dowladda Federaalka ah oo ay ugu weyn tahay dhameystirka Dastuurka KMG ah,gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah,dhameystirka Hindise sharciyeedyada dalka iyo in dalka la gaarsiiyo hanaanka doorasho ee uu qaadanay.

Shaqada ugu weyn ee hortaalla ayuu sheegay in ay ka mid tahay dhameystirka Dastuurka KMG ah,gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah,dhameystirka Hindise sharciyeedyada dalka iyo in dalka la gaarsiiyo hanaanka doorasho ee uu qaadanayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com