Israa’iil oo duqaysay saldhigyada Iiraan ay ku leedahay gudaha Suuriya

Israa’iil waxay sheegtay in ciidammadeedu ay duqeeyeen dhammaan saldhigyada militari ay Iiraan ku leedahay gudaha dalka Suuriya taaso ay uga jawaabayso weerarkii Iiraan ay ku qaaday buuraha Golaha Heights ee Israa’iil.

Militariga Israa’iil wuxuu sheegay in xalay 20 gantaal ay ku garaaceen saldhigayada Iiraan ee dalka suuriya .

Israa’iil waxay ku sheegtay weerar argoosi ah oo lagu bartilmaameedsanayay kaydka hubka, goobaha tashiilaadka u yaallay iyo xarumaha sirddoonka Iiraan ay ku leedahay gudaha Suuriya.

Illa hadda ma jiraan hadal kasoo baxay xukuumadda Iiraan oo ku wajahan duqaynta.

Dowladda Iiraan ayaa ciidammo u dirtay Suuriya si ay u taageeraan madaxweyne Bashar Al-Asad.

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa ku warrantay in ciidammada cirkaa ay ka hortageen waxa ay ugu yeereen dandaansiga Israa’iil ee dalka Suuriya islamarkaasna ay soo rideen dhowr madaafic.

Illo wareedyo ka tirsan militariga ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Sanca in qaar kamid ah madaaficda lala beegsaday sadhigyada militariga cirka ee waddanka Suuriya.

Horraan, Israa’iil waxay ku hanjabtay inay joojin doonto waxa ay ku tilmaantay farogellinta militari Iiraan ee gudaha Suuriya.

Waxaana la rumaysan yahay in dhowr jeer ay duqaysay tashiilaadka militari ay Iiraan ku leedahay gudaha Suuriya illa bishii Febraayo.

Ciidammada difaaca ee Israa’iil waxay sheegeen inay beegsadeen dhowr saldhig ay Iiraan ku leedahay halkaasi.

Weli Iiraan ma aysan xaqiijinin weerarka lagu qaaday xarumaheeda militari.

Wasiirka difaaca Israa’iil Avigdor Lieberman ayaa digniin u jeediyay Iiraan, wuxuuna sheegay in arrintani aysan ahayn iska horyimaad ballaaran balse ay dhamayn doonaan boggani.

Dhawaan ayay ahayd markii Israa’iil ay sheegtay inay duqaysay goobo ku yaallo koonfurta magalaada dhimishiq ee dalka Suuriya.