Wararkii ugu dambeeyey shirka Garoowe iyo Xaaf oo go’aan culus qaatay

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoominaya shirka wadatashiga heer qaran oo maalintii labaad ka socda magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Raiisul Wasaraaha Xukuumadda   Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in weli shirkan uu caqabad ku yahay sidii xal looga gaari lahaa xiisadda u dhaxeysa madaxda dowladda iyo madaxweynaha Gamudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, sida aan xalay horey shaaca uga qaadnay.

Wararka ayaa sheegaya in maanta la isku dayey in arrinta Xaaf dib loo dhigo oo marka hore laga hadlayo arrimaha kale ee dhinacyada oo dhan wada quseeya, hase yeeshee Xaaf ayaa ku gacan seeray arrintaas.

War-Saxaafadeed uu saaoo saarey Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle xaaf ayuu ku sheegay in uu doonayo in xal- rasmi ah loo helo arinta Galmudug ka hor inta  aan la guda-gelin wada-tashiga looga arinsanayo arimaha la xariira amniga qaranka, hannaanka doorashada iyo kheyraad wadaaga.

Waxaa sidoo kale intaasi la raaciyey in Galmudug doonayso in ajandaha lagu daro xal u helista khilaafka iyo isdiidanaanta siyaasadeed u dhaxeysa Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

War-Saxaafadeedkaan kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu taagan yahay khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya iyo Galmudug kaas oo sababay in mudo dhowr bilood ah aysan dhexmarin wax wadashaqeyn ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com