Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada Ethiopia iyo garabka CABDI ILEY.!!

Jigjiga (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan xubnaha xisbiga ka arimiya dhulka Soomaalida Ethiopia looga yeeray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaya in dowlada Ethiopia ay ugu caga jugleyneyso inay talaabo ka qaadi doonto.

Xubnahaani ayaa waxaa la sheegay in lagu wargaliyay in mid waliba si gaara loo marin doono baaritaan, maadaama qaarkood lagu eedeeyay inay ku lug lahaayen dhibaatooyinka ka dhacay dhulka Soomaalida.

Xubnahaani oo wadahadal wada jira la yeeshay Wasiiro iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan dowlada Ethiopia ayaa waxaa lagu eedeeyay inay khaladaad dastuuri ah ka galeen dowlada iyo inay khalkhal galiyeen amniga, sidaa aawgeedna mudada ay ku sugan yihiin Addis Ababa ay marayaan baaritaano degdeg ah.

Wasiirka Arriamah Gudaha Federaalka Ethiopia oo kamid ah mas’uuliyiinta ku jira wadahadalka ayaa eeda ugu badan Xubnahaasi u jeediyay kadib dhageysi lagu sameeyay Teleefanada gacanka oo ay isticmaalan, sida aan xogta ku heleyno.

Wasiirka oo dhacdooyinka Jigjiga ka duulaya ayaa yiri “Dowladu cidna ugama aamusi doonto inay khalad ka gasho dalka waxaanu wadnaa baaritaano waxa ayna cid waliba ay qaadan doontaa wixii kasoo baxa baaritaanada”

Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegay in Xubnahaasi uu ku amray in Madaxweynihii hore ee maamulka DDSI Cabdi Cumar ku qanciyaan inuu la shaqeyn doono maamulka hadda jira, iyadoo haddii uu diido muteysan doono xabsi.

Sidoo kale, kulamada iyo baaritaanada socda ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanayo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka gaar ahaan kuwa Militeriga oo iyagu lahaa talaabada lagu soo qabtay Cabdi Cumar.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn miraha kasoo bixi doona kulamada u dhexeeya dowlada Federaalka Ethiopia iyo xubnaha xisbiga gacanta ku haya maamulka Soomaalida Ethiopia, iyadoo ujeedka ugu weyn ee kulankaasi la sheegay inuu yahay wada shaqeyn lala sameeyo maamulka cusub iyo baaritaan lagu sameynaayo xubnaha qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caassimada@live.com