Wararkii ugu dambeeyey weerar culus oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay jabhadda hubeysan ee SSC ee uu hoggaamiyo Col. Feysal Falaalug ay weerar ku qaaday gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi oo dhaca waqooyiga dalka.

Weerarka oo dhaxay xilli saq dhexe ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray jabhadda iyo sidoo kale ciidamada Somaliland ee ka howl-gala halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac oo ka dhaceysa xaafadaha qaar ee magaalada Laascaanood, waxaana ay intaasi ku dareen inay soo wajahday cabsi aad u xoogan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland.

Dagaalka ayaa markii dambe istaagay, waxaana dib u noqday dableydii jabhaddaee weerarka culus ku qaadday halkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana hadda qeybo ka mid ah magaalada howlgallo ka wada ciidamada Somaliland oo baadi goobaya raggii weerarka kusoo qaaday.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobolka Sool laga dareemayey dhaq-dhaqaaqyo uu ka wado Col. Feysal Falaalug oo si weyn uga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, iyada oo xiisadda labada dhinac ay soo taagneyd muddo aad u dheer.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii