Wararkii ugu dmabeeyey ee wada-hadallada Axmed Madoobe iyo Lafta Gareen

Kismaayo (Caasimada Oline) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan xarunta madaxtooyada waxaa haatan kulan xasaasi ah uu uga socdaaa madaxweynaha Jubbaland iyo kan Koonfur Galbeed oo booqasho ku jooga magaaladaasi.

Kulanka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah xubno ka tirsan labada gole ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana haatan socda wada-hadallo gaar ah.

Lafta Gareen iyo Axmed Madoobe ayaa ka wada-hadlaya xaaladaha ka taagan dalka, sida doorashooyinka iyo iskaashiga ay leeyihiin labada dowlad goboleed.

Wararka ayaa sheegaya in marka uu soo dhammaado kulanka haatan socda ay isku hari doonaan labada hoggaamiye, iyaga oo si gaar ah uga arrinsan doono xaaladaha taagan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay diiradda saari doonaan dano isaga xiran, lana xiriira kuraasta Golaha Shacabka.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale maanta kormeeray, isaga oo u wehliyo dhiggiisa Axmed Madoobe xafiiska madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland oo lagu soo wareejiyey.

Koonfur Galbeed ayaa iyagu horay u guda gashay doorashada baarlamaanka, waxayna ku billowday illaa 11 xildhibaan, walow kuraasta qaar la hakiyey, halka Jubbaland ay shaacisay illaa 14 kursi oo dhowaan lagu dooranayo magaallo xeebeedka Kismaayo ee maamulkaas.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii