Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu galay saldhig ay leeyihiin ciidamada ATMIS

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khawaaraha ka dhashay weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ee qaybta howlgalka ATMIS ex AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa wuxuu ku bilowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga la weeraray iyo xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa dagaalka mar dambe ku biiray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, kuwaas oo gurmad ahaan ugu tegay ciidamada ATMIS ee lagu weeraray halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Al-Shabaab oo dhankeeda ka hadashay weerarka waxa ay shaacisay inay dagaalyahanadeeda gudaha u galeen saldhigga, ayna la wareegeen, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.