Wararkii ugu dambeeyey weerarka ku wajahan Addis Ababa ee lagu qabsan rabo

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu weecinayo weerar lagu qaado caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa ayaa maanta xoogeystay kadib markii ciidamada Tigray-ga ay toddobaadkan u siqeen dhanka caasimadda.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, si uu u cadaadiyo in la hakiyo howlgallada militari loona billaabo wadahadallo xabad joojin ah.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku baaqay kulan ay hogaamiyayaasha Bariga Afrika isugu yimaadaan 16-ka November si looga wadahadlo dagaalka dowladda Ethiopia iyo kooxda Tigrayga ee TPLF.

Sidoo kale, ururka goboleedka IGAD ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah, wuxuuna dhinacyada ku booriyey inay muujiyaan isxakameyn.

Xogyahaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa isna sheegay inuu la hadlay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, una yaboohay taageerada xafiiskiisa si loo abuuro jawi wadahadal loona joojiyo dagaalka.

Dhinaca kale, safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa shalay ogolaatay inay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo qoysaskooda ka bixi karaan magaalada sababo la xiriira colaadda.

Washington ayaa Arbacadii sheegtay “inay si xooggan uga walaacsan tahay” xaaladda, waxayna ku baaqday in la hakiyo howlgallada militari.

“Waaxda Arrimaha Dibedda waxay ansixisay in shaqaalaha aan lagama maarmaanka aheyn iyo qoyasaskooda ay ka tagi karaan Ethiopia sababo la xiriira dagaalka hubeysan, kacdoonka shacabka iyo suurta-galnimada gaabis ku yimaada sahayda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Addis-Ababa.

Dowladda Abiy ayaa Talaadadii waxay xaalad deg deg ah gelisay dalka kadib markii Tigray-ga ay ku hanjabeen inay qabsan doonaan caasimadda.

Ciidamada Tigray-ga ayaa ku sugan magaalada Kemise ee gobolka Amxaarada oo 325 km u jirta Addis-Ababa, sida uu sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa “bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee xulafada la sameystay kooxda Tigrayga.

Kooxda Tigrayga ee TPLF iyo kooxda Oromada ee OLA ayaa sheegtay in maalmihii tegay qabsadeen dhul badan, kadaal dagaal xooggan oo ay la galeen ciidamada dowladda Abiy Ahmed.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray “dhammaad aan laga baaqsan karin.”

“Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri.

Afhayeenka dowladda Legesse Tulu kama jawaabin codsi jawaab celin oo loo diray.

Reuters + VOA