Muran xuduudeed cusub ‘oo ka dhex billowday’ dalalka SOOMAALIYA iyo KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in muran xuduudeed cusub oo dhanka dhulka ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, waxayna ku hanjabtay in haddii wada-hadal lagu dhameyn  aysan ogolaan doonin in dhulkeeda qeyb kamid ah lagu daro Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Taliyaha ciidamada militariga Kenya Jeneraal Robert Kobochi ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xuduud wadaag ah, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah xal loogu helo muranka ka dhaxeeya.

“Soomaaliya iyo Kenya waa deris, waxaa loo baahan yahay in aan ku heshiinno inaan ku wada noolaanno si wadajir ah, sababtoo ah rumee ama ha rumeysan, Carruurta Soomaaliyeed waxay aadaan iskuullada Mandheera, oo ay daryeel caafimaad ka helaan”, ayuu yiri Kibochi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Kenya ay ka hortagi doonto wax uu ku sheegay “khataraha kusoo wajaha”, kuwaasi oo uga imanaaya wayaabaha laga faafinayo iyo macluumaadka baraha bulshada, sida uu sheegay.

“Haddii uu fashilmo wada-hadalku, ciidamada difaaca Kenya waxay xaqiijin doonaan in taako kamid ah dhulka Kenya aan loo ogolaan doonin in lagu daro Soomaaliya,” ayuu yiri Jeneraal Robert Kobochi.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay dowlada Kenya si weyn uga carootay kiiskii dacwada badda ee maxkamadda ICJ ka go’aan gaartay, kaasi oo inta badan dhul badeedka loo xukmiyey Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadal muranka ay sheegtay Kenya, hase yeeshee waxaa horey u jirtay in Kenya ay dhul ka mid ah Soomaaliya soo gashay oo ay isku dayday inay darbi ka dhisto.