Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay dowladda, kadib diyaaraddii ku gubatay Doolow

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey diyaaraddii shalay ku gubatay garoonka diyaaradaha degmada Doolow, kadib markii uu dab-qabadsaday diyaaraddaasi oo aheyd mid xamuul ah kana baxday dhanka Muqdisho.

Warqad kasoo baxday wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradda gubatay uu nooceeda ahaa TransallC-160 NG, kuna suntaneyd: EY-360, waxayna wasaaradu shaacisay in gabi ahaan ay gubatay, kadib dab ka kacay.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay ka xun-tahay shilkaasi diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Doolow, isla-markaana ay si aad cambaarayneyso.

Sidoo kale Jubbaland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay fara-gelin ku heyso maamulka garoomada diyaaradaha ee ku yaalla deegaanada maamulkaasi.

”Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu iyada oo ka xun shilkaas nasiib darada ah, waxay cambaareyneysaa Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya (DFS) faragalinta qaawan islamarkaana hareer-marsan sharciga ee ay ku hayso garoomada diyaaradaha ee Dowlad
Goboleedka Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda gaadiidka ee Jubbaland.

Waxa kale oo ay wasaaraddu intaasi ku dartay inay iyada diyaar u tahay maareynta tayada garoomada iyo badqabka nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa ugu baaqday dowladda dhexe inay ka joojiso fara-gelinta, isla-markaana ay Jubbaland dib ugu soo celiso maamulka garoomadeeda.