Taariikhda IKRAAN Tahliil Faarax oo dhameystiran iyo arrimaha aadan ka ogeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo afar bilood ah nolol iyo geeri lagu la’yahay Ikraan Tahliil Faarax oo kamid aheyd Hey’adda NISA, iyadoo hey’addii ay ka tirsaneyd ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay inkastoo kooxdana ay iska fogeysay.

21-kii bishii lasoo dhaafay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxay sheegeen in la dhammeeyey khilaafkii u dhaxeeyey ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’yahay tan iyo 26-kii bishii June ee sanadkaan.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegay in hey’adaha Garsoorka loo diiday inay baaritaan ugu tagaan xarunta Hey’adda NISA, taas oo keentay inuu istaago baaritaanka kiiskaan.

Hadaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa taariikhda Ikraan Tahliil oo dhameystiran

Ikraan Tahliil Faarax waxay ku dhalatay magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya 24-kii bishii August 1996-kii.

Yareenteedii waxay ku kortay deegaanka Mandheera, halkaas oo ay ku qaadatay tacliinta aas-aasiga ah, kadibna Ikraan waxay u wareegtay magaalada Nairobi, halkaas oo ay ka gashay waxbarashada Dugsiga Sare, iyadoo lagu daray mid kamid ah iskuullada ugu wanaagsan dalkaas ee gaarka loo leeyahay oo ah Iskuulka Aga Khan High School.

Ikraan markii ay ka qalinjabisay dugsiga sare waxay gashay Jaamacadda The United state International University qeybteeda Africa oo ku taalla magaalada Nairobi, waxayna ka qaadatay Shahaadada koowaad ee xiriirka Caalamiga ah.

Markii ay ka qallin jabisay waxay shaqo dhinaca maamulka iyo maaliyadda ah ka bilowday Banki ku yaalla dalka Kenya, kadibna waxay timid Soomaaliya horraantii sanadkii 2017-kii, waxayna shaqo ka bilowday Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) wuxuu xilligaasi ahaa Agaasimaha Hey’adda NISA, isaga ayaana Ikraan Tahliil siisay shaqadii ugu horeysay ee dowladeed.

Shaqadii ugu horeysay oo ay Hey’adda NISA ka qabato ayaa aheyd inay gacan yare u noqoto Agaasimihii hey’adda ee xilligaas oo ahaa Sanbaloolshe, sida uu VOA u sheegay.

Ikraan Tahliil waxay xafiiska Agaasimaha ka shaqeeneysay illaa bishii October 2017-kii, bishii October 2017 illaa 18-kii Aprill 2018-kii waxay ka shaqeeneysay xafiiska xuquuqda aadanadaha iyo arrimaha haweenka ee Hey’adda NISA oo Agaasime looga dhigay.

Shaqooyinka ay qaban jirtay waxaa kamid ahaa xiriirinta Hey’addda Nabad sugidda iyo AMISOM iyo sidoo kale NISA iyo Safaaradda Ingiriiska, waxayna ka shaqeeneysay tayeynta hey’adaha Amniga Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ku dadaali jirtay inay u doodo, korna u qaado arrimaha xuquuqda aadanaha ee dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Hey’adda NISA, sida ku qoran Document uu helay barnaamijka Galka Baarista ee Idaacadda VOA.

Laga bilaabo October 2018-kii illaa July 2019-kii waxay ka shaqeyn jirtay Ikraan xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo markaas uu madax ka ahaa Allaha u naxariistee Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo 1-dii bishii August 2019-kii u dhintay dhaawicii kasoo gaaray Qarax ka dhacay xafiiskiisa.

Dilkii Eng. Yariisow kadib Ikraan waxay kusoo laabatay shaqadii Hey’adda, shaqada hey’adda ka sokowna waxay ku howlaneyd inay kor usii qaado aqoonteeda, iyadoo ka faa’ideysaneysay fursadaha waxbarasho ee soo baxayey.

Isla sanadkaas 2019-kii Ikraan Tahliil waxay gashay Jaamacadda University of Nottingham ee dalka Britain, iyadoo ka qaadaaty shahaado ku saabsan xuquuqda Aadanaha.

Sanadkii ku xigay ee 2020-kii waxay koorso sanad ah oo ah Shahaadada labaad ee xiriirka Caalamiga ah ka qaadatay Jaamacadda King’s College London, waxbarashadaas oo uu carqaladeeyey dilaacii cudurka COVID-19, waxuuna qorshaheedu ahaa inay qallin jabiso bishii August ee sanadkaan 2021-ka.

Ikraan Tahliil Faarax waxay ku hadli jirtay Luuqadaha Soomaaliga, Ingiriiska, iyo Sawaaxiliga, waxayna aheyd Gabar firfircoon oo aan marnaba ka caajisin shaqadeeda, sida uu xaqiijiyey Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe taliyihii hore ee NISA oo ay la soo sahaqeysay Ikraan.

Xogtan waxaan kasoo xiganay barnaamijka Galka Baarista