Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Dhuusamareeb iyo arrin cusub oo soo korortay

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in kulan deg deg ah la isugu yeeray Xildhibaanada Maamulkaas.

Kulankaan ayaa waxaa iclaamiyey Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal oo farrin u diray Xildhibaanada maamulkaas iyadoo aan farrinta lasoo raacin ujeedada iyo ajandaha laga hadli doono.

In kastoo ajandaha kulanka Maanta ee Baarlamaanka galmudug la isugu yeeray aan la shaacin ayaa haddana Caasimadda Online waxay ogaatay inay ka hadli doonaan Xubnaha guddiga doorashada Galmudug ee muranka uu ka dhashay.

Xaalka siyaasadeed ee Galmudug ee ku saleysan doorashada ayaa waxaa hareeyey khilaaf xoogan, waxaana hoggaana Ahlusunna oo diidan sida ay wax u socdaan ay kulamo kala duwna ku leeihiin Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb.

Khilaafka Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa ka bilowday sida loo marayo magacaabista Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha, waxayna Ahlu Sunna dalbatay inuu iyaga ka imaado maadaama dowladda ay horey u keensatay guddoomiyihii guddiga Doorashada Baalrmaanka ee Maamulkaas.

Waxaa laga yaabaa in Magaalada Dhuusamareeb ay ka dhacdo laba Doorasho oo ay kala hoggaaminayaan Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe, waxayna dowladda qorsheeneysaa inay adeegsato awood ciidan taasoo ah mid ka baxsan Dastuurka u yaalo maamul Goboleedyada iyo midka Soomaaliya.