Xog: Labada gole ee BF oo ku heshiiyay go’aan ka dhan ah madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan dhaxmaray guddoomiyaasha labada gole ee baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa looga heshiiyay arrin oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in kulankaan oo ka dhacay guriga guddoomiye Mursal looga hadlay sharciga dooashooyinka Soomaaliya ee dhawaan ka soo gudbay islamarkaana hada horyaala Golaha Aqalka Sare.

Mursal iyo Cabdi Xaashi, ayaa ku heshiiyay in aan la xirin Kalfadhiga labada Gole ee baarlamaanka ilaa madaxweynaha ka saxiixo Sharciga doorashooyinka Qaranka, kaas oo la filayo in ka hor 10-ka bisha Febaraayo ay meel mariyaan Aqalka Sare.

Guddoomiye Musal ayaa Cabdi Xaashi u sheegay in sharcigaan oo ay diidan tahay madaxtooyada ay soo ansixiyeen Golaha Shacabka haddana ay doonayaan in aan Kalfadhigaan la xiran ilaa madaxweynaha ka saxiixo maadaama uusan raali ka aheyn, ayna waajib tahay in lala ogaado ka hor inta uusan kulanka xirmin.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in guddi ay u saareen sharcigaan islamarkaana ay dhawaan ansixin doonaan islamarkaana uu raali ku yahay in uusan kalfadhiga xirmin ilaa dalka uu ka yeesho sharci doorasho.

Sida caadiga kalfadhiga labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in la xiro 10-ka bisha Febaraayo, waxaase la filayaa in uu dhaafi doono, hadii aysan isbadalin xaaladda ku saabsan doorashooyinka qaranka.