Xog: Ujeedada ay Nairobi u joogaan madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo K/G

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa mar qura isugu tagay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Safarka madaxweynayaasha ayaa ah mid isku soo aaday oo ahaa seddexdii maalin ee ugu dambeysay mana jirto ujeedo gaar ah oo mideysan oo ay u tageen Magaalada Nairobi.

Seddexda madaxweyne ayaa si kala gaar gaar ah Magaalada Nairobi kulamo ugula qaadanayo Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool halkaas iyo xubno ka tirsan madaxda Soomaalida ee ka mid ah Dowladda Kenya.

Sidoo kale Madaxweynayaasha ayaa kulamo la leh qaar ka tirsan xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Nairobi, waxayna u muuqataa in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay isku ujeedo yihiin maadaama ay si wadajir ah uga soo hor jeedaan siyaasadda Dowladda ee ku maamuleyso dalka halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed lafta Gareen uu isaga taageersan yahay Dowladda.

Waxaa xusid mudan in seddexda madaxweyne ee Puntland, Jubbaland, iyo Koofur Galbeed ay kala dageen seddex Hotel oo ku yaalo Nairobi halkaas oo ay si kala gaar ah u fushanayaan ujeedada ay tageen.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmo ka hor wuxuu kulan ugu soo dhamaaday Magaalada Boosaaso halkaas oo ay uga soo horjeesteen sharciyo dhowr ah oo uu ansixiyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma caddo haddii sedexdaan madaxweyne ay Nairobi ku qaadan doonaan kulamo gaar ah, waxaana kaliya isku mabda’ ah inta la ogyahay Deni iyo Axmed Madoobe.

Khilaafka u dhaxeeyo Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ayaa meel sare gaaray, waxayna dowladda ku guuleysatay inay aragtideeda ka gado madaxweynaha Hirshabelle halka ay Koonfur Galbeed u sameysay Lafta Gareen oo xilkiisa lagu keenay lacag iyo awood ay isticmaashay Dowladda.