Wararkii ugu dambeeyey xiisaddii ka dhex oogneyd Jeneral Odowaa iyo Masdile

Raage Ceelle (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, kulankaas oo ku saabsanaa xaaladda amni ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Kulankaan oo dhacay maalin kadib markii uu dalka dib ugu soo laabtay Cali Guudlaawe oo ka yimid Turkiga todobaadkii hore, ayaa looga hadlay xiisada ka taagan degmada Raaga ceelle iyo Isbaarooyinka gobalka u yaalla ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Guudlaawe ayaa General Odowaa ka dalbaday in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka cabsida sababay ee u dhexeeya isaga iyo Korneel Masdile oo hada saldhig ka dhigtay Raaga Ceelle oo ah degaankiisa.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Odowaa oo cadaadis kale oo dhanka beeshiisa ah saarnaa uu ogolaaday in uu faraha ka qaado sarkaalkaan dooda u dhaxeysana lagu dhameeyo wadahadal.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in lagu heshiiyay in degmada Raaga Ceelle laga soo saaro milateriga dowladda ee ku sugan Iskuul ay dadka degaanka wax ku bartaan iyo in Muqdisho uu yimaado Korneel Masdile kadib wadahadal dhaxmara isaga iyo taliyihiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali wahadalku uu socda inta badanna la isku afgartay, waxaana la filayaa in wixii lagu heshiiyay loo gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya oo arrintaan hore loogu gudbiyay.

Dhinaca gobalka waxaa ka socda qaadista Isbaarooyin buux dhaafiyay, kuwaas oo hakad geliyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha kadib markii gaadiilaydu ay ku dhawaaqeen shaqo joojin.