Hooyo Amran: Gabadhayda waxaa laba bil iga haysta ciidanka madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Amran Xalane oo ah Hooyo Soomaaliyeed kuna nool magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in mudo ku siman labo bilood ay ka maqantahay gabar yar oo ay dhashay.

Amran iyo hooyadeed oo ah ayeeyada gabadha maqan ayaa TV-ga Dalsan u sheegay in gabadhoodii ay ku tuhmayaan xubno ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Hooyo Amran waxa ay sheegtay in gabadheedu aysan qaan gaarin dhawaan laga keenay dalka dibaddisa, isla markaana iyadoo dugsi ka dhiganeysa magaalada ay wadeen gabdho kale, kuwaas oo ay sheegtay inay u geeyeen ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Hey’adda dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da ayey sheegtay inay u dacwoodeen, isla markaana lasoo qabtay gabdhihii ciidan u geeyey gabadha, wallow markii dambe lagu war geliyey in damiin lagu daayey, taas oo ay sheegtay inaysan raali ka aheyn.

Sidoo kale waxay sheegtay in labo nin oo mid sarkaal yahay kana tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ay u soo direen fariimo ay uga dalbanayaan lacag madax furasho ah si loogu sii daayo gabadhooda.

Amran oo ah hooyada dhashay gabadha la weysanyahay ayaa sheegtay inay lacagtaas oo gaareysay 2,000 oo dollar ay ogolaayeen in ay dhiibaan, balse markii dambe ragaasi ay u sheegeen inaysan maeel ku ogeyn gabadheeda.

CID-da oo ah halkii ay cadaaladda u raadsatay ayey sheegtay inay iska daba wareejinaysay mudo labo bilood ah, iyadoo laga sii daayey gabdhihii ay ku tuhmaysay inay ka fogeeyeen gabadheeda oo ay sheegtay in lagu haayey fariimo cadeynaya inay lasoo hadashay gabadheedii oo oraneysa, “Heblaayoy ninkii aad ii geysay waxa uu isku dayaa inuu is kufsado” oo ku qoran af-Ingiriisi sida ay sheegtay hooyo Amran, maadaama aysan gabadheedu aad u aqoon af-Soomaali.

Amran iyo hooyadeed oo xirnaa Indha-shareer ayaa ku cataabay in sarkaalka ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada uu ugu hanjabay dil hadii arintaas ay warbaahinta la wadaagaan.

Ugu dambeyntii labadan maamo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayey ka dalbadeen inay ku gacan siiyaan sidii ay u heli laheeyeen gabadhoodii yareyd.

Halkan ka Daawo