Xog: BF oo sharciyo muhiim ah ku meel-mariyey kulamo aan kooramrku dhameyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in guddoonka Gaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ka been sheegay kooramka fadhiyadii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabka, taas oo ka dhigan in la jebiyay qodobo kamid ah Xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Dhowrkii kulan ee ugu dambeeyay waxaa kulamada Baarlamaanka ay ku furmayeen tiro ka yar Kooramkii loogu talagalay oo ah 139 Xildhibaan.

Tusaale, kulankii dambeeyay ee Arbacadii 15-kii bishaan, waxaa xaadirtay 113 Xildhibaan, waxaan Kooramka lagu sheegay 140 Xildhibaan. Sidoo kale kulankii ka horeeyay ee 12-kii bishaan waxaa soo xaadiray 119 Xildhibaan waxaana Kooramka lagu sheegay 139 Xildhibaan.

Weriye ka tirsan Caasimada Online oo tirayay Xildhibaanada waxa uu sidoo kale sheegay in kulamadaasi lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah, iyadoo aan kulamadaasi soo xaadirin tiradii fadhiga ku furmi lahaa.

Xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaba in saddex meelood, meel uu ku furmi karo fadhiga Golaha Shacabka. Dhowr jeer oo hore ayey kulamada Baarlamaanka u baaqdeen Kooram la’aan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhowr jeer fadhiga baarlamaanka ka sheegay in ciqaab adag la marsiin doono Xildhibaankii maqnaado ilaa hadana kuma guuleysan arintaas.