Dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhibaateysan dalka Iran

Muqdisho (Caasimada Online) – Sided qof oo Soomaali ah ayaa ku dhibaateysan xabsi ku yaalla wadanka Iran, kuwaas oo loo sheegay inay dhameysteen waqtigoodii xirnaashaha, balse aan lasii deyn doonin ilaa inta laga helayo dowlad metesha.

Dadkan ayaa laga qabtay xadka ay wadaagaan dalalka Iran iyo Turkiga, xilli ay isku dayayeen inay ka talaabaan xuduuda Iran oo gudaha u galaan dalka Turkiga.

Deeq Maxamed Cali iyo Fatxi Shariif Xuseen Cali, waxay ka mid yihiin dadkaas lagu heysto dalka Iran. Iyagoo u waramaya Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Iran ay ku war gelisay inay dhameysteen waqtigii loogu tala galay in lagu haayo xabsiga, balse ay ku sii jiri doonaan tan iyo inta laga helayo dowlad kala wareegta.

Waxay sheegeen in markii hore safar dhulka ay uga bexeen gobolka Kurdistan ee dalka Ciraq, iyagoo sheegay inay sii dhex mareen dalka Iran, balse la qabtay xilli ay ka sii baxayeen xuduuda Iran, una socday dalka Turkiga.

Sideedaan qof ee Soomaalida ah ayaa kala ah shan wiil iyo seddax gabdhood, waxayna badankood ka bexeen magaalada Muqdisho, markii laga reebo labo wiil oo ka kala baxay Hargeysa iyo Nairobi.

Dadkan ayaa sheegay in la qabtay xilliyo kala duwan, waxayna gacanta Iran ku jiraan 11 bilood ilaa sided bilood, iyagoo xabsigooda ku dhameystay magaalo xuduuda ku taalla oo la yiraahdo Oromia.

Markii ay dhameysteen xabsiga waxay sheegeen in loo qaaday magaalo yar oo u dhaw caasimadda dalkaas ee Tehran, halkaas oo ay sheegeen inay hadda ku dhibaateysanyihiin.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa sheegay in dad badan oo iskugu jiray Afrikan iyo Carab lala qabtay, balse dhamaantood la sii daayey, kadib markii dowladahoodii ay u doodeen kana dalbadeen Iran inay sii deyso.

Xaalad adag oo caafimaad darro ayey sheegeen inay hadda ku heysato xabsiga marar badana ay la xariireen dowladda Soomaaliya, balse aysan weli wax u qaban, dowladda Irana ay xujo uga dhigtay inay la yimaadaan dowlad kala wareegta.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayey dhalinyaradaas cod dheer uga dalbadeen inay ka soo deyso xabsiyada Iran.

07-dii bishii Janaayo sanadkii 2016-kii ayey dowladda Soomaaliya xiriirka u jarday dowladda Iran, iyadoo diplomasiyiinteedii ka ceyrisay Muqdisho, wixii xilligaas ka dambeeyana ma jirin cilaaqaad la ogyahay oo dhexmaray labada dal.