Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb iyo qiimaha lagu iibsanayo xildhibaanada

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Caawa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka socdo ololihii ugu dambeeyey ee loogu jiro xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo loo tartami doono Maalinta Berri ah.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa marti gelineyso kulamo iska soo horjeedo oo ay wadaan xubnaha mucaaradka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya, iyadoo ay socoto kala jiidasho dhanka Xildhibaanada ah.

Guryaha ay Magaalada Dhuusamareeb ka dagan yihiin labada musharax ee ka kala socdo Dowladda iyo dhincyada mucaaradka ayaa laga dareemayaa saxmad aad u badan iyo kulamo aan loo kala kicin.

Wararka ay Caasimadda Online ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in labada dhinac ay adeegsanayaan lacago la siinayo Xildhibaanada.

Qiimaha halkii xildhibaan ayaa caawa marayo lacag u dhaxeyso 10 – 15 Kun oo Dollar, waxaana lacagta ugu badan bixineyso Dowladda Soomaaliya oo Xildhibaano badan ku xareysatay guryaha ay dagan yihiin xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta wado ololaha Doorashada.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana qaar ka mid ah Musharaxiinta ay walaac ka muujiyeen sida dowladda Soomaaliya ay u maamuleyso doorashadda Galmudug.