Xog dheeri ah oo kasoo baxeysa weerarkii Hotel Naasa-Hablood

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hoteel Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dhex xasuuqay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

Khasaaraha dhimasho ee Hoteelka ayaa waxaa la sheegay in guud ahaan ay tahay ilaa 18 ruux oo uu ku jiro Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’isul wasaaraha Burci maxamed xamza, Dhakhaatiir iyo Ganacsato caan ah oo deegaan ku ahaa Hoteel Naasa-hablood.

Weerarka oo bilowday qorox dhicii shalay ayaa waxaa lasoo gabagabeeyay 9:45 oo habeenimo, waxaana dadka dhaawaca ah u badnaa dad ku ganacsanaayay Hareeraha Hoteelka, Arday iyo dad shacab ah oo saarnaa gaadiid isticmaaleysay wadadaasi.

Dadka ku dhintay Hotelka Naasa hablood waxaa la sheegay in ay kujireen askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ,ilaaladii hotelka.

Sidoo kale, Xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dad badan dhaawacyo oo hada lagu dabiibaayo halkaas sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dhaqaatiirta Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr. Ducaale Maxamed Aadan Shahiid oo uu dhalay Allaha u naxariistee Dr. Shahiid oo ku dhintay qaraxii Hotel Shaamow ee dhacay 2009-kii.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dableyda hubeysan ee gashay Hotelka ay ahaayeen saddex ruux iyo nin watay gaari oo isku qarxiyay banaanka hotelka kaasoo baabuur watay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com