Faysal Cali Warabe oo iclaamiyey dagaal ka dhanna Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa ku baaqay in weerar lagu soo qaado magaalada Muqdisho, isaga oo kula taliyay shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland iney weerarkaasi ka qeyb qaataan.

Faysal Cali Waraabe, ayaa wuxuu sheegay in maalinta 26 June ay tahay markii xoriyada ay qaateen gobolada waqooyi ee Soomaaliya, balse 1 July ay tahay maalin uu ku dhawaaqayo iney xornimadooda ka qaataan Soomaaliya inteeda kale.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay tahay dowlada ku dhagan iney noqdaan dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, balse dhankooda ay ku dadaalayaan sidii ay xoriyadooda u heli lahaayeen.

Shacabka ku dhaqan guud ahaan deegaanada Somaliland ayuu sheegay in looga baahan yahay iney weeraraan Soomaaliya inteeda kale bisha July oo ah xiliga ay xoriyada qaateen gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya.

Hoos ka daawo muuqaalka
https://www.youtube.com/watch?time_continue=230&v=YZH-FLOwb8g

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com