Warbaahinta DF oo si weyn loogu weeraray qoraal ay ka soo saartay arrinta SHARIIF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishinka Qaranka (SNTV) ayaa maanta si weyn loogu weeraray qoraal uu kasoo saaray arrin hadal-hayn xooggan dhalisay oo uu kula kacay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Telefishanka Qaranka ayaa shalay aan tebin khubad uu Shariif ka jeediyay baarlamaanka, taasi oo uu madaxweynihii hore uga hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya (SNTV) ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in cilad farsamo oo dhinaca internet-ka ah ay sababtay inuu hakad ku yimaado tabintii tooska aheyd ee telefishanka, xilligaasi oo uu Shariif khudbad ka hor jeedinayay mudaneyaasha Golaha Shacabka.

“Maamulka SNTV waxaa uu caddeynayaa inuu mar walba u taagan yahay u adeegidda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aan loo eegin kala duwanaansho siyaadasadeed iyo fikir toona. Adeegyada muhiimka ah ee Telefishanka u hayo Qaranka waxaa ka mid ah tebinta dhacdooyinka iyo barnaamiyada muhiimka u ah dowlad dhiska iyo wadajirka ummadda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Telefishanka Qaranka.

Haddaba, Sidee Telefishanka Qaranka looga weeraray arrintaan?

Falis Faarax: “Cilada Farsamo iyo waxaa isku aadey khudbadii Sheikh Shariif? In aad iska aamustaan baa la qaatey. Dowladdaan dhanka saxaafada waa looga fiican yahay, mid wasaarad, mid Madaxtooyo iyo mid Ra’iisul-wasaareba.”

“Amaa inaad iska aamustan ku qurux badnayd!,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdirisaaq oo ka fal-celiyay qoraalka uu soo saaray Telefishanka Qaranka.

Cabdullaahi Mucallim: “In aad jawaabtaas bixisaan 20 saacadood ka badan ayey idinku qaadatay waa cilmi cusub.”

Badri Cabdullaahi Ibraahim: “Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed wuxuu noqday Telefishin siyaasadeed oo shaqsiyaad gaar ah u adeega. Cillada farsamo ee Shariif Sheikh Ahmed ku aadayso xeey tahay?.”

Cabdiraxman Maxamed Dr-Bilaadi: “Cilladda farsamo ee Sheikh Shariif sugeysay maxay aheyd.”

“Hadalkaas meel loo dhaafo malaha Maamulka Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waa ku mahadsanyihiin macluumaadka ay Shacabka Soomaaliyeed la wadaageen,” ayuu yiri Cumar Faaruq.

Ismaaciil Cumar: “Ciladda farsamo iyo qudbadii Shariif Sheikh Ahmed maxaa isku soo adiyay, shacabka waa idin fahansan yahay laakiin meesha aad geediga ku furtan hala arko.”

“Cilad wax la yiraahdo ma jiraan ee meeshaan dowladda ayaa loogu adeega waa la ogyahay waligeed qof mucaarad ah oo dowlad dhaliila lagama soo deyn, hadana la idinka sugi maayo tv-gana lagama baran qofkii mucaarad ahna meelo badan oo kale ayuu wax marsan karaa,” ayuu sidoo kale yiri Salaad Cismaan Xasan.

Ibraahim Maxamed Cabdi: “Qiil idin noqon meyso waxaas fashil ayaa dhex fadhidan.”

Yuusuf Bashar Diinle ayaa isna waxa uu yiri “Sheikh waa in la raali-geliyaa sida uga dhaqsiyaha badan.”