32.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Warbaahinta Jidah oo qortay arrin xasaasi ah oo Farmaajo uu ka dalbaday Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa Somalia ay xoojineyso xiriirka kala dhexeeya dowlada Sacuudiga iyo dowladaha kale.

Madaxweyne Farmaajo oo ay xiganayeen wargeysyada kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Boqor Salman bin Abdulaziz ay kawada hadleen sida dowlada Somalia loogu madaxbaneen lahaa awoodeeda Qaranimo.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay qadarineyso xiriirka kala dhexeeya Sacuudiga si taa lamid ahna ay dowlada Sacuudiga uga doonayaan inay u qadariso arrimaha gaarka ee dowlada Somalia.

Waxa uu tilmaamay in qorshaha Somalia uusan aheyn inay ku mashquusho arrimo la xiriira dowlado kale, balse iminka ay jiraan dowlado ku xadgudba Qaranimada Somalia, hase ahaatee ay Somalia ka gudbi doonto dhibta weli ku danbeysa.

Waxa uu soo hadalqaaday xiisada ka dhex aloosan wadamada Khaliijka, waxa uuna mar kale ku celiyay in dowladiisa Somalia ay dhex dhexaad ka tahay Khilaafka Khaliijka.

Waxa uu cadeeyay in go’aanka Somalia uu yahay mid dhex dhexaadnimo, isla markaana uusan qorshaha ugu jirin inay qeyb ka noqoto dowlado ay xurguf u dhexeyso.

Sidoo kale, Farmaajo waxa uu carab dhabay in Somalia aysan weli ka khuusan xal u raadinta wadamada uu khilaafka ka dhextaagan yahay sida Qadar oo ay kasoo horjeedan Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrein iyo Masar.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa ku taliyay inaan colaad loo abuurin shucuubta kasoo kala jeeda dowladaha Khaliijka oo ay xurgufta u dhexeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News