28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Warbixin: Dhibaatooyinka ay abuurtay DF Somalia ee haysta reer Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibaatooyin muuqdo, ayaa xilligan ka taagan Magaalada Muqdisho, oo ay ugu horeyso wadooyinka ay qufulka saareen Ciidamada Dowladda Somaliya, ee ku sugan barraha gaadiidka lagu baaro.

Dowladda Somaliya, ayaa bishii Ramadan si weyn u xadiday isu socodka gaadiidka ee magaalada, iyadoo taasi sabab kaga dhigtay in ay ku xaqiijinayso nabadgelyada Caasimadda Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho waxay tani u haysteen mid uun ku eg inta lagu guda jiro bisha Ramadan, hase ahaatee waa mid weli ka taagan Magaalada Muqdisho.

Baaritaanada adag ee ciidamadu ku samaynayan gaadiidka, ayaa keentay in si safaf ah ay ugu xanibmaan wadooyinka, iyadoo gaari kasta uu wadada u taagan yahay in la baaro, ha yeeshee ay waqtiga ka rido dadka gawaarida wata. Dadku waxaa ay ku sheegayan in gaari kasta la baarayo ugu yaraan toban daqiiqo.

“Markaan wato gaarigeega amaba aan bajaaj saaranahay, tusaale ahaan waxaan ku suganahay Isgoyska Sayidka, waxaana u socdaa Isgoyska Hawlwadaag. Laba saac ayaan ku taggayaa Isgoyska Hawlwadaag. Ciidamada wadada ku sugan waxay ku leeyihiin ka soo deg gaariga, inta fur, albaabkaas fur, albaabka dambe fur, gaariga maxaa saaran? Iyagoo gaari si kasta u baaray ayay hadana ku leeyihiin, gaari maxaa saaran? Way wanaagsan tahay in amniga la suggo, hadana sidaan amni laguma suggo. Dadka ayaa waqtiga uun laga luminayaa.” Ayuu yiri nin ka mid ah dadka reer Muqdisho oo wado xirista ka careysan.

Waxaa kaloo uu yiri “Waxaa laga yaabaa haddii aan u lugeeyo Isgoyska Hawlwadaag inaanba ku taggo wax ka yar lix daqiiqo, intii aan laba saac ku xayirnaan lahaa wadada. Dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay wadooyinka noo furto, way diiday soo maaha? Lacagaha baabuurta hanoo celiso, markaas meesha aan rabno waanba u lugeynaynaa.”

Nin kale oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa yiri “Iska dhaaf wadooyinka iyo jid cadda-yaasha xiran, wadooyinka kale ee furan ee loogu talla-galay in gawaarida dadweynaha maraan, ayay kaa celinayan Ciidamada Dowladda. Waxay ku leeyihiin ma wadataa kaarka dowladda, maya haddaad dhahdo iska noqo bay ku leeyihiin, waxay taas qiil uga dhigayaan in wadooyinkaasi ay mari karaan oo keliya Shaqaalaha Dowladda. Bal fiiri dhibaatada na haysata inta ay gaarsiisan tahay.”

Darawal mooto bajaaj kaga dhex shaqaysta Magaalada Muqdisho, ayaa nooga waramay sida ay tani u saamaysay, waxaana uu yiri “Dhibaatadan inta aan la soo rogin waxaa laga yaabaa halkii saac inaan qaado saddex ama afar rakaab ah, laakiin hadda rakaabkii keliya ee aad qaado, ayaad laba saac u wadeysaa meeshii uu rabay, waxaana laga yaabaa in hal ama laba dollar uu i siiyo, halka aan markii hore labadii saacadood igu soo geli jirtay lix illaa sideed dollar.”

Darawalada basaska iyo caasiyada ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in dhibaato buuran ay kala kulmeen qufulka dadban ee la saaray wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah darawalada caasileyda ee Magaalada Muqdisho oo tani qaylo dhaan ka muujiyay, ayaa yiri “Xilligii burburka illaa hadda ayaan jooggaa Magaalada Muqdisho, weligeyna tan oo kale ma arag, Cabdiqaasim ayaa yimid, C/laahi Yuusuf ayaa yimid, Shariifka ayaa yimid, Xasan Sheekhaa yimid, weli sidaan oo kale na looguma dhibaateen wadooyinka. Tan oo aan is lahayn iyadaa ugu roon, waxayba noqotay middii noogu darneyd. Xagee lagu arkay 1km oo laba saac loo soconaayo?” Baabuurtan ayaan ku xamaalanaa, meelo kalana qarashaad nagama soo galaan, haddii ay xaaladdu sidaan sii ahaato, maxaan cuneynaa?”

Dhibaatadan waxay kaloo saamayn ku yeelatay ganacsatada shidaalka, haweeney ganacsatada ka mid ah, ayaa tiri “Khasaaro xoogan ayaan kala kulanay wadooyinka u xiran Ciidamada Dowladda, maxaa yeelay macaamiisha shidaalka naga iibsata waxay shidaalka naga iibsataa marka ay isticmaalaan shidaalkii hore. Maanta oo dhan markii ay wadada xiran tahay, shidaalkii ay baabuurta isticmaali lahaayen way yaraanaysaa soo maaha. Macaamiisha qaarkood wayba iska dhigeen baabuurta, sababtoo ah wadooyin ay maraan ayaanba jirin, lug ayayna door bideen.”

Sidoo kale maqaaxiyadaha iyo hoteelada waaweyn oo ay dadku u doonan jireen Wireless Internet, ayaa hadda mooddaa inay taasi ka baaqsadeen, haddii aanay jirin wadooyin loo maraa iyo adeeggii Internet-ka ee loo doonan jiray oo ka go’an.

“Arrintan sida ay saamaynta ugu yeelatay maqaaxiyadaha iyo hoteelada waaweyn ee magaalada ku yaala, ayaan kuu sheegaya. Dadka marka ay u soo raadsadaan Wireless, dabcan waxay ka cuni jireen, waxna way ka cabi jireen, cabitaan iyo shaah wixii la doonaba. Hadda haddii uusan Wireless ka jirin, dabcan way iska jooggayan soo maaha? Midda kale dadka qaarkood meelo dhaadheer ayay uga imaan jireen, haddii aysan haysan wadooyin ay u soo maraan, kuna adag tahay inay u soo lugeeyaan, way ka baaqsanayaan soo ma’ogid? Marka dhaqaalihii maqaaxiyadaha iyo hoteelada ay heli jireen hoos u dhac weyn ayaa ku yimid.” Sidaasi waxaa yiri nin ka mid ah ganacsatada hoteelada Muqdisho.

Internet la’aanta ka jirta Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale caqabad kale ku noqotay shirkadaha xawaaladaha ee ka hawlgala magaalada.

“Xawaaladaha isu tan maaha oo way kala dhaqaalo badan yihiin, xawaaladaha horeeya maahee kuwo kale ee ku soo xigga, ma heli karayaan inay bixiyaan qarashaad kale oo aysan filleynin. Waa sax Internet-kii cilad ayaa ku timid, hadda Hormuud ayaa bixinaysa Internet ku meel gaar ah, balse lacago badan ayay ku dhufanaysaa Internet-ka awoodda leh. Xawaaladaha isku jeeb maaha, kuwii bixin karay way bixiyeen, kuwii kale ee lacagahaasi aan bixin karin waxay ka soo qaateen Internet daciif ah. Marka ay macaamiishu noo timaado, waqti ayay nagu qaadaneysaa inta aan ka baareyno magaca soo diraha iyo loo soo dirahaba. Hoos u dhac shaqada ah ayaana dareemaynaa xilligan.” Ayuu yiri nin ka hawlgala mid ka mid ah xawaaladaha soo koraaya.

Iskusoo wada-duuboo hoos u dhac weyn, ayaa laga dareemay dhaqaalihii Magaalada Muqdisho, taasoo ay ugu wacan tahay xayiraadaha saaran wadooyinka iyo Internet la’aanta ka jirta Caasmadda Muqdisho. Dadku way jeclaan lahaayen in amniga la adkeeyo, hadana waxay ku andacoonayan inay si khaldan dowladdu u adeegsanayso xaqiijinta amniga ee aasimadda Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News