Aqriso shuruudaha lagu soo rogay Soomaalida tageysa Mareykanka iyo 5 waddan oo kale

Washington DC (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa soo saaray shuruudo cusub oo looga baahan yahay dadka dal ku gal ka soo dalbanaya lix dal oo ay Muslimiintu ku badan yihiin iyo qaxootiga, waxaana looga baahan yahay in ay “qaraabo dhaw” ama xiriir ganacsi ku leeyihiin Maraykanka.

Shuruudahan saamaynaya dadka ka imaanaya Soomaaliya, Liibiya Suuriya, Suudaan iyo Yemen ayaa dhaqan galaya habeennimada Khamiista.

Waxaa la soo saaray ka dib markii maxkamadda sare ay qayb ahaan soo celisay xayiraaddii socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump.

Xayiraaddaas socdaalka oo marun baday dhalisay waxaa markii hore hor istaagay maxkamado hoose.

Sida uu dhigayo sharcigan cusub oo BBC-da loo xaqiijiyay, 90ka maalmood ee soo socda looma ogolaan doono in ay dalka Maraykanka soo galaan dadka aysan qaraabo dhaw ka joogin.

Qaraabo dhaw waxaa lagu qeexay, waalid, xaas, carruur, wiilka iyo gabadha sodoh ama sodog loo yahay iyo walaalo.

Qaraabo dhaw waxaa laga reebay ayayda iyo awawga, eedooyinka, habaryaraha, adeerada iyo abtiyaasha, gabdhaha iyo wiilasha ay walaaladaa dhaleen, xididka, qaraabada kale iyo carruurta ay carruurtaadu dhaleen.

Waxaa mamnuucitaanka laga reebay dadka dadka xiriir ganacsi ama mid waxbarasho la leh dalka Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee shuruudahan cusub waxay si gaar ah u xusayaan in xiriirku uu noqdo mid la ogyahay oo caddayn loo hayo si caadi ahna ku yimid oo aan lagaga lagaga xeeladaysanaynin sharcigan cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com