Warbixin: Maxay yihiin danaha dhabta ah ee musharaxiinta madaxeynaha?

Muqdisho (Caasimada Online0 – 24 Murashax ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah uga mid noqday Tartamayaasha isku garbin doonaa Doorashadda Madaxtinimadda ee la shaaciyey in ay dhici doonto bisha soo socota ee February 8-da.

Waana Tartamayaashii ugu tirada badnaa ee hal mar isku soo taago Doorashadan, waxaana la fahmi karaa inay Tartamayaasha isugu jiraan Siyaasiyiin xilal soo qabtay, kuwo Layli-barad ku ah Siyaasadda iyo kuwo haatan u tafa-xaytay inay ka soo dhex muuqdaan Masraxa Siyaasadda ee Somalia.

Tartamayaasha ayaa ka wada siman inay yihiin Murashixiin, balse waxay ku kala duwan yihiin dhinacyadda Khibradaha, Aftahanimadda, Mas’uuliyadda iyo Hiddo-siyaasadeedka hayinka loogu qaban karo Meertadda Siyaasadda Maamulka ee afarta sanno ee soo socota.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Siyaasadda ku sidkan Deeqsinimadda Dhaqaalaha tahay Tabta ugu nurashax kasta kaga gudbi karo Marathon-ka loo galayo Qabaqashadda xilka Madaxtinimadda.

Waxaa kale oo Tartamayaasha lagu qiimeyn karaa Sooyaalkooda Taariikheeda iyo Magaca ay ku dhex leeyihiin Mujtamaca Soomaalida, inkastoo ay mararka qaarkooda aan libin lagu kasban karin Rug-caddaanimo.

Waa hubaal inay Maskaxdaadu ka guuxayso magacyadda 24-ka Murashax ee u tafa xaytay Loolanka Madaxtinimadda ee loo madalsan yahay in lagu kala bixi doona February 8-da.

Marka doc kasta laga eego Tartamayaasha, waxaa laga dareemi karaa inay ku jiraan Tartamayaal magac-doon ah, kuwo boos ciriiris ah iyo kuwo ay ka go’an tahay Xil-doonka.

Waxaana Hubaal inuu Murashax kasta diyaarsaday Ajendahiisa Khaaska ee uu la soo shir tagi doono haddii loo doorto Xilkaas.

Lama saadaalin karo inuu Murashax kasta ku najixi doono Qorshihiisa Shaqo, balse waxaa isweydiin mudan Maxay noqonayaan Danaha dhabta ee Tartamayaasha Marathon-ka ee Kursiga Madaxtinimadda Somalia?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com