28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

DF oo war cusub kasoo saartay kiiska badda iyo xukunka maxkamadda…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka DFS Axmed Cali Daahir, ayaa ka hadlay muranka Badda ee u dhaxeeya Dowlada Somalia iyo Kenya.

Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in Somalia aysan ka tanaasuli doonin xuquuqda Badda ee ka maqan, waxa uuna tilmaamay in Maxkamadda ICJ ay go’aan ka gaareyso in ay Dacwadda qaadi karto.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Dacwad qaadayaasha Maxkamadda ICJ ay Labada Bisha Febraayo ee ku beegan maalinta Khamiista ah ay u fadhiisan doonaan Dacwadda Badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in fadhigaasi looga hadli doono in Maxkamadda Hague ay qaadi karto Dacwadda iyo in kale, si buu yiri go’aan looga gaaro Dacwada Badda Somalia ee mudada badan qaadatay.

Waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia iyo shacabkeeda ay wakhti waliba diyaar u yihiin go’aanka kasoo baxa Maxkamada.

”Anagu go’aankeenu waxa uu yahay inaan ku kalsooni qabno Maxkamada waayo waxaa iska muuqda cida ay Dacwadaasi dhibeyso inaanu anagu aheyn”

Xeer ilaaliyaha waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia ay rajo badan ka qabto natiijada mar waliba kasoo bixi doonta Maxkamada.

Dhinaca kale, Axmed Daahir ayaa sheegay inay dhowrayaan go’aanka maalinta Khamiista ah kasoo bixi doona fadhiga dacwad qaadayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News