Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, kaa oo ka dhacay eeryada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miino lagu qariyay Bac madow oo la dhigay Maqaayadd ku taalla Agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad.
Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray dadka ku sugnaa Agagaarka Maqaayadda.
Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay Sargaal ka tirsan Ciidamada Xooga dalka oo xiliga Qaraxa ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay.
Sargaalka dhintay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Baddel, iyadoo sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Qaraxa ilaa 7-ruux oo Seddex kamid ah ay yihiin dad shacab ah.
Dhinaca kale, Maqaayadda ayaa ku burburtay Qaraxa, waxaana jira warar sheegaya in Miinada la dhigay dhabarka danbe ee Maqaayadda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

