Ciraq oo si aan la fileyn uga aargudatay go’aanka Trump

Baghdad (Caasimada Online) – Dowladda Ciraq ayaa ka aargudatay amarka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dalkiisa uga mamnuucay dadka u dhashay Ciraq muddo 90 maalmood ah, ayada oo ansixisay tallaabo taas la mid ah oo saameyn doonta dadka Mareykanka ee tagaya dalkaas.

Tallaabada Ciraq ayaa waxaa ansixiyey baarlamanka dalkaas, inkasta oo weli aysan caddeyn xadiga ay la egtahay iyo saameynta ay ku yeelan doonto dadka Mareykanka u dhashay ee ku sugan gudaha dlaka Ciraq, kuwaas oo ay ka mid yihiin shaqaale gargaar iyo dad ka shaqeeya shirkadaha shidaalka.

Milatariga Mareykanka ee Ciraq ayaa dalkaas ku galin habka socdaalka caalamiga ah, sidaas darteedna ma muuqato inuu saameyn doono go’aankan.

Go’aanka Ciraq ayaa yimid ayada oo ururka dalalka Islaamka ee ka kooban 57-ka dal uu walaac xooggan ka muujiyey tallaabada madaxweyne Trump, ayaga oo ka digay in tani ay fursad cusub siin doonto kooxaha xagjirka ah.

Waxaa sidoo kale go’aanka uu yimid kadib markii sidan uu ku baaqay wadaadka shiicada ah ee awoodda ee badan ee Muqtada Al-Sadr.

Dowladda Iran ayaa sidoo kale dalkeeda horey uga manuucday muwaadiniinta Mareykanka, ayada oo tan uga jawaabtay go’aanka madaxweynaha Mareykanka.

Dowladda Ciraq oo ay hogaamiyaan shiicada ayaa waxay xiriir dhow la leedahay dowladda Iran, hase yeeshee go’aankan ayaa ahaa mid aan la fileyn maadaama Mareykanka si xooggan ugu lug leeyihiin arrimaha dalka Ciraq.

Ciraq iyo Iran waa labada dal ee kaliya ee ka aargutay go’aanka Trump illaa iminka.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com