Warbixin: Muxuu yahay qorshaha wasiir Beyle ee wasaarada maaliyadda?

Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya oo shalay si rasmi ah xilkaasi ula wareegay ayaa ka hadlay qorshaha uu ka damacsan yahay wasaaradaasi.

Wasiir C/raxmaan Beyle, ayaa sheegay hadalo lamid ah kuwii horey ay u sheegeen Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo oo ahaa ineysan ka shaqeysan doonin wasaarada balse ay shacabka u shaqeyn doonaan.

Wasiir Beyle, wuxuu sheegay in wax badan u qabtay shacabka Soomaaliyeed markii uu ahaa wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, haatanna uu doonayo inuu wax badan ka qabtaa wasaarada maaliyada.

Wuxuu si cad u sheegay inuu si weyn ula dagaalami doono musuq maasuqa Soomaaliya oo meel xunka riday sharafta iyo wanaagii lagtu yaqaanay dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Beyle, ayaa sheegay in wasaarada dhaqaalaha soo galo lala socon doono, ayna la xisaabtami doonaan waaxaha kale ee wasaarada si loo ogaado meelaha lagu bixinayo dhaqaalaha ka baxaya wasaarada maaliyada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wasaarada uu la doonayo inuu ka dhigo wasaarad aan marnaba ku kacin musuq maasuq, laguna amaano tayada iyo shaqada ay qaban doonaan sida uu hadalka ud higay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa marar badan ku celceliyay in lala xisaabtamayo wasaaradaha kala duwan ee ay soo dhiseen.

Caasimada Online|
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com