Warbixin: Sidee Ahlu-Suna loogu qancin karaa ka mid noqoshada Galmudug?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmo kadib la filayaa in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud lagu qabtaa doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo hogaamin doono maamulkaasi.

Waxaa muhiim ah oo in la isweydiiyo mudan maamulkaasi ma wuxuu noqon doonaa sida midkii kahoreeyay ee ku shaqeynayay magaalo aan aheyn caasimada maamulkaasi, mase waxay tagi doonaan magaalada Dhuusomareeb.

Dhismaha maamulkaasi ka sokow waxaa jira qorshe maamulka looga mid dhigo karo maamulka Ahlu sunna ee ka dhisan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhawaan qoraal kasoo baxay maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in looga dalbanayo dadka ku mashquulsan dhismaha maamulka Galmudug iney dib u dhigaan dhismaha maamulkaasi.

Waxaa qoraalka lagu sheegay inay muhiim tahay in shacabka gobolada dhexe laga talo geliyaa dhismaha maamulka Galmudug, islamarkaana maamulka uu noqdaa mid shacabka ay iska dhex arkaan.

Maamulka Ahlu sunna ayaa markaan lagu qancin karaa inay kamid noqdaan maamulka cusub ee Galmudug, iyadoo la raacayo codsiga ay soo gudbiyeen oo ah in maalmo kooban dib loo dhigo wadahadalna lala furo.

Ahlu sunna ayaa iminka u muuqata inay diyaar u yihiin ka qeyb galka dhismaha maamulka Galmudug, maadaama markii hore ay kasoo horjeedeen maamulkii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Mr Guuleed.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa dhankiisa horey u dalbaday in dhismaha maamulka Galmudug dib loo dhigaa, balse waxaa muuqaneysa inaysan jirin cid dheg jalaq u siineysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com