Ahlu-Sunna oo magacawday xilal hor leh xili maalmaha soo socda uu…

Cadaado (Caasimada Online) – Horjoogaha maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ayaa magacaabay xilal kadib markii uu sheegay in maamulkiisa uusa ka maarmin xilalkaasi.

Xilalka uu magacaabay Hogaamiyaha Ahlusuna ayaa u badan Gudoomiyeyaal degmooyin oo ka mid ah gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somalia.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha Ahlusunna ee Gobolada Dhexe, ayaa lagu magacaabay Gudoomiyeyaasha degmooyinka Matabaan oo Hiiraan ah , Guriceel iyo Dhuusamareeb oo Galgaduud ah.

Waxa uu sidoo kale magacaabay Gudoomiye ku-xigeenada degmooyinkaasi iyo xilal kale oo dhowr ah.

Ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe ayaa ka taliya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud sida Guriceel, Dhuusamareeb.

Digreetada ayaa waxaa sidoo kale warbaahinta u aqriyay Afhayeenka Madaxtooyadda Ururka Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com