Warbixin: Qaar ka mid ah wariyaasha dowlada oo ka cabanaya mushaar la’aan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaan Wariyaasha Idaacadda Ciidamada Qalbka sida ee Radio SNA ayaan qaadan mushaar mudo ka badan 4 bil siday ay ii xaqiijiyeen inta shaqaalaha Idaacadda, waxaana laga cabsi qabaa in Maamul xumi iyo Mushaar la’aan ay u danto Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee DFS.

Wariyaashaan oo la hadlay Caasimad Online ayaa xaqiijiyay in aysan helin mushaarkii ay lahaayeen afartii bil la soo dhaafay. Waxay sidoo kale sheegeen in ay jirto dhibaatooyin badan oo ka jira Gudaha Idaacadaasi.

“Muddo afar bil ah ma qaadan mushaar, sidoo kale waxaa nagala goostay gunadii iyo garaamkii aan laheyn, wariyaasha waxay mushaarka ka qaadan jireen Taliska Milateriga waana ku yaabanahay halkaan”, sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay Wariye kamid ah Wariyaasha Radio SNA.

“Gunadii iyo garaamkii aan lahayn mudo ku dhaw sanad ma helin hada mushaarkii ayaa lagu darsaday”, ayuu yiri wariyaha aan la hadalnay.

Sidoo kale waxaa haleysan qaar ka mid ah qalabkii Idaacadda oo aan laga maqlin meelaha sida ay sheegeen dad xog ogaal ah oo aan la hadalnay. Qalabka Idaacadda ayaa la aamisan yahay in la qaatay waxaana idaacadda ay u shaqeyn la’dahay sidii la rabay.

“Maamul xumo iyo mushaar la’aan ayaa lay sugu daray wariyaasha, Idaacada meelna lagama maqlo, waa halaysan tahay, ma jirto cid wax ka qabata”, ayuu yiri Wariye kale oo aan la hadalnay islamarkaana ka tirsan Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Somali National Army (SNA).

Agaasimaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida C/llaahi Iimaan oo sidoo kale ah Af-hayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo aan la xariirnay ma helin si aan wax uga weydiino dhibaatada ka jirta Radio SNA ee Ciidamada Soomaaliya.

“Wariyaasha kale ee Wasaaradda Warfaafinta, oo aan hal meel ku naalno waa qaataan mushaarkooda, cunto waa la siiyaa laakiin annaga ma helno intaas oo dhan, ma aqaan waxaan kaga duwanahay”, ayuu noo sheegay Wariye katirsan Radio SNA ee Soomaaliya.

“qaar keen waxaa laga soo saaray guryihii kirada oo aan daganeen, carruurtayna waxay wajahaan dhib badan, waan shaxaatanaa”, ayuu hadalkiisa raaciyay wariyahaan katirsan Idaacadda Ciidamada qalabka sida ee SNA radio.

Arintaan ayaa dhabar jab wayn ku ah Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ballan qaaday in uu bixin doono xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada Soomaaliya.

Dad badan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dhalinyaro isku shaqo ah ooh al meel wada jooga in qaar kamid ah bil walba la siiyo cunto iyo mushaar qaarka kalane intuba aan la siinin. Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay arintaan wax ka qabato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com