Warbixin: Qarax ka dhacay Boosaaso + Khasaaraha

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in qarax miino uu goor-dhaweyd ka dhacay magaaladaas. Qaraxa ayaa ka dhashay miino lagu aasay Marfish (Meel lagu qayilo), oo ku taalo agagaarka isgoyska Maqaska ee magaalada Boosaaso.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Magaalada ayaa wuxuu sabab khasaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqjiiyey waxaa qaraxa ku dhintay 2 Qof halka uu dhaawaca kor u dhoofayo illaa 5 qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka.

Qaraxyada miino ee lagu beegsanayo goobaha lagu qayilo ayaa kusoo badanaya magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu beegsanayo saraakiisha ciidammada iyo dad rayid ah.

Magaalada Boosaaso ayaa waxay u diyaar garoobeysaa doorashada Kuraas kamid ah  Golaha Shacabka oo la filayo in dhawaan lagu qabto.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo xilli isla Maanta Magaalada Beledweyne uu ka dhacay Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof kaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa Beledweyne waxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa Xarunta Lama-galaay iyo Buundada Liiq-Liiqato oo martigelisay kulamada looga hadlayo Amniga Beledweyne, Doorashooyinka iyo kuwa xalka loogu raadinayo khilaafaadka siyaasadeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayad lagu magacaano Baar Xasan dhiif oo ku yaala Darbiga dambe Xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka dhinta ayaa gaaraya 16 qof  halka 2 qof oo ka mid ah dadkaas  ay kala ahaayen Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Gobalka Hiiraan Cabdirashiid iyo Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Beledweyne Cabdiraxmaan.