R/W Rooble oo guddi u magacaabay kursi muran xooggan uu ka taagan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddik ka kooban 7 xubnood oo xilsaaray xal u helista doorashada Banaadiriga.

“Ka dib markii uu kulan wadatashi ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Doorashada Banaadiriga (SEIT), Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo ka socda FEIT, SEIT Banaadiriga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaare Rooble.

Guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay ayaa kala ah:

1- Muuse Geelle Yuusuf. Guddoomiyaha FEIT, Guddoomiye
2- Maxamed Aadan Cismaan
3- Cabdi Hiis Udan

SEIT Banaadiriga

4- Sacdiyo Aways Cali Boolaay, Guddoomiyaha SEIT Banaadiriga
5- Saciid Cabdulqaadir Axmed
6- Maxamed Cabdulxamiid Axmed

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

7- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle, la-taliyaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’isulwasaaraha ayaa guddigaan faray inay sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaan ugu sameeyaan cabashada la xiriirta kuraasta  Banaadiriga ee Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo warbixin usoo gudbiyaan Ra’isulwasaare Rooble, waxaana markaas kadib la arki doonaa go’aanka kasoo baxo Rooble.