Warbixin: Waa sidee caawa xaaladda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho ayaa caawa marti gelisay iska hor-imaadyadii ugu cuslaa, kuwaas oo u dhaxeeyey ciidamo taabacsan madaxda mudo xileedku ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo ciidamo ka soo hor jeeda mudo kororsiga ay ku dhaqaaqeen Madaxweynaha iyo Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka.

Dagaalkii ugu xooganaa ayaa salaadii Maqrib kadib ka bilaawday guriga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan.

Weerarkaas waxaa fuliyey ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxuuna siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey inay hoggaaminayeen laba sarkaal oo kala ah, Farxaan Qaroole iyo Kaniif.

“Kaniif iyo Farxaan Qaroole waa labada sarkaal ee weerarka ku ah caawa oo dhan hoygayga aan deganahay. Farmaajo ayey la qaadayaan masuuliyada weerarka,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dagaallada caawa ka qarxay Muqdisho ayaa ku faafay goobo badan, sida isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana la isku adeegsaday hub culus.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno weerarka lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegaya in iska cabin xoog leh ay halkaas kala kulmeen ciidamadii weerarka qaaday ee taabacsanaa madaxda dowladda federaalka, isla markaana ay hadda dib uga laabteen hoygii ay weerareen ee Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur.

Dagaalladan ayaa maanta duhurkii ka qarxay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis ee waqooyiga Muqdisho, halkaas oo ay isku fara-saareen ciidamo ka yimid gobolka Sh/Dhexe oo diidan mudo kororsiga iyo kuwo taabacsan madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Dagaalkaas waxaa la sheegay in ciidamadii ka yimid gobolka Shabeellada Dhexe ay guulo ka gaareen oo ay iska caabiyeen ciidamadii weeraray ee DF, isla markaana ay caawa ku sugan yihiin inta goobihii lagu dagaalamay maanta.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo degan aagga maanta lagu dagaalamay ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in gurigiisa ay ku soo weerareen ciidamo ka tirsan dowladda, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaas.

Hase yeeshee wasiirka amniga Xasan Xundubey oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, isagoo ka jawaabayey hadalka Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas, isagoo sheegay in Xasan Sheekh uu yahay madaxweyne hore dowladuna ay aad u xushmeyneyso.

Ugu dambeyntii rasaas goos-goos ah ayaa hadda laga maqlayaa meelo badan oo wadada Maka Al-mukarama ah, sida agagaarka isgoyska Sayidka, isgoyska Dabka, Shaqaalaha iyo isgoyska KM-4, sidoo kale dhanka degmada Howlwadaag ayaa laga maqlayaa rasaas teel-teel ah.