Addis-Ababa (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-Baarista iyo Iskaashiga (Centre for Dialogue, Research and Cooperation (CDRC) ee xarunteedu tahay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Ababa, ayaa u ololeysay in dib loo doorto madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Hay’adda CDRC ayaa waxa ay la shaqeysaa wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia, waxaana guddigeeda agaasinka ku jira wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin.
Waxay warbixinti tiri, haddii kuwa hadda xilalka haya la beddelo, oo ay yimaadaan kuwa cusub, waxaa kuwii horey ay qaataan dhamaan diiwaankii dowladda, dokumentiyada, iyo xitaa qalabka oo ay ku jiraan baabuurta.
Markaa kadib, ayey ku dooday warbixinta, waxaa madaxda cusub ay keensadaan shaqaale cusub, taasi oo burburisa dhamaman wixii horey loo dhisay, arrintaasi oo aan sanado badan caawin Soomaaliya.
Sidaa darteed, ayey warbixintu qal-qaalineysaa, haddii madaxweynaha hadda talada haya dib loo soo doorto, waxay tani xaqiijin kartaa sii socoashada nidaamkii iyo hay’adihii dowladeed ee horey u dhisnaa.
Xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-Baarista iyo Iskaashiga (Centre for Dialogue, Research and Cooperation (CDRC), ayaa sheegtay inay qasab tahay in la beddelo dhaqanka ah in kuwa xilka ka degaya ay qaataan dhammaan qalabkii dowladda, si ku jirta danta guud ee qaranka.
Qaar ka mid ah dalalka kale ee gobolka ayey warbixinta ku eedeysay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in shaqsiyaad ayaga ay taageerayaan ay ku guuleystaan hoggaanka dalka Soomaaliya.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh marar badan lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay koox diimeed mayal adag oo lagu magacaabo Damu-Jadiid, inkasta oo xaqiiqdu ay tahay, ayey tiri warbixinta, inuu marar badan ku celiyey inaanu kooxna xubin ka ahayn ee uu u shaqeeyo dadkiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

