24.1 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Taliskii Maxamed Siyaad Barre: Maxaa run ah, maxaa been ah?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Maqaalkii cinwankiisu ahaa ‘Beeni Raad Ma Leh: Yaa Burburiyey Soomaaliya’ ee lagu soo saaray Caasimadda.com maalintii Arbacada ee bisha January ay 18-ka ahayd, sannadkaan 2017, wuxuu dhaliyey fal-celis lama filaan ah, wuxuuna shock ku noqday dadka sida caadifadda qabaliga ah ku ammaana taliskii keli-taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, kuwaas oo isugu jira laba qaybood: (1) qeyb nacfi ku haysatay oo weli u ooyeysa keligii-taliyihii sedbursiga u sameeyey iyo noloshii ay hoostiisa ku haysteen, iyo (2) qeyb dhaan-raac ah oo meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan aan garanayn, oo keliya maqlay ‘waa la ordaaye aan orodno’, marnaba aan dhihi karin ‘war cagta u dhiga’. Waxaad maqlaysaa maalin walba ‘aabbe Siyaad ayaa afka Soomaaliga qoray’. Is-weydiintu waxay tahay, war waa maxay farta la qoray? Far lama qorine, horey ayay u qornayd. Waayo sow Laatiin laguma isticmaalo af-Soomaaliga? Haddey jawaabtu tahay HAA, ogaada waxaa af-Soomaaliga ku qoray Laatiin sahmiyeyaashii gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ururiyey suugaanta, xikmadaha iyo maahmaahooyinka Soomaalida. Ciddii doonaysa inay arrintaas ogaato baaritaan ha sameyso, hana booqato maktabadda weyn ee School of Oriental and African Studies ee Jaamacadda London, halkaas ayaa laga ogaan doonaa in farta Soomaaliga ay Laatiin ku qornayd sannadku markuu ahaa 1891-kii (boqol iyo labaatan iyo lix sano ka hor), markaas ka horna ay ku sii qornayd xuruufta Carabiga oo ay ku isticmaali jireen Sheekh Cabdurraxmaan Axmed Al-Zeylici (oo dhintay 1883-kii), Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi Al-Shaanshi, loo yiqiinnay Sheekh Suufi (oo dhintay 1904-tii), Sheekh Aweys Maxamed Al-Muxyiddiin Al-Baraawi (oo Daraawiishtu dishay 1909-kii) iyo culumaa’uddiinnii waaweynayd ee la yiqiinnay, balse taariikhdooda la qariyey.

Run iyo been isku meel ma galaan. Waajib baa naga saaran inaan dadkeenna u sheegno runta xitaa haddii ay ka qaraar tahay dacarta. Dadka beenta lagu qaldayo waa carruurteennii iyo haweenkeennii ee la leeyahay ‘aabbe Siyaad oo kale lama hayo’. Waa marin-habaabis aad arkayso in halaag cusub nagu soo socdo. Haddii beentu fiddo, waxaa halis loo yahay in gumaadkii ka dhacay gobollada waqooyi (Somaliland) uu dib u soo noqdo, marba haddii aan u ooyeyno taliskii dadka iyo dalka baa bi’iyey. Inta ay socoto ‘Allow noo soo celi Jaalle Siyaad’, ma jirto rajo dowladnimo oo loo aayo ee taas ogaada. Dhab ahaantii, qabiil iyo qabyaalad ay hoos taallo colaad iyo cunfi waa lagu soo daalay. Mar hore ayaa dowladnimo la gaari lahaa oo dib loo heli lahaa qarannimadii baa ba’day, haddii dadweynaha Soomaaliyeed ay wada oran lahaayeen ‘Ilaahow dib noogu celi lixdankii iyo dimoqraadiyaddeenii aan kaga horreynay Afrika’. Dadkii ila soo xiriiray waxaa ka mid sarkaal Soomaaliyeed oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee maanta ku howlan arrimaha Soomaaliya. Wuxuu ahaa nin si asluub iyo akhlaaq leh iigu soo gudbiyey fekerkiisa. Hase yeeshee, feker iyo facts waa kala labo. Anigu waxaan qoraalkeyga ku soo bandhigay run ay la socoto tixraac. Haddaba, waxaan mid mid uga jawaabayaa fekerkii uu ii soo gudbiyey, anigoo ku lammaaninaya facts.

Wuxuu yiri sarkaalku: ‘Maxamed Siyaad Barre ayaa waddanka dhisay’. Waxaan ugu jawaabay: waxa la dhisay waxay ahaayeen ciidammada xoogga dalka iyo warshado yar yar, waxaana dhisay Midowgii Sofiyeeti (Soviet Union). Heshiiska dhismaha ciidammada iyo guud ahaan kaabayaasha dhaqaale ee dalka waxaa la saxiixay sannadkii 1963-kii, waxaana Moscow ku soo saxiixay Ra’iisal Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Talihihii Ciidammada ee xilligaas General Daa’uud Cabdulle Xersi oo ay wehliyaan madaxdii iyo saraakiishii ugu waddanisanayd Soomaaliya, sida Colonel Maxamed Nuur Maxamed (Baarqab). Subaxa ay Moscow ka degeen, waxaa loo soo dhoweeyey si aan la maqal oo la arag, waayo Ruushku wuxuu doonayey inuu saaxiib dhow ka dhigto Soomaaliya oo Afrika uga taalla meel strategic ah. Maxamed Siyaad Barre markuu meesha qabsaday, wuxuu Ruushka u fasaxay inuu Soomaaliya ka dhigto saldhig (base) ay uga duulaan Afrikada kale iyo wadammada Carabta. Arintaas oo ahayd qiyaamo qaran, runtii wey diidanaayeen dowladihii rayidka inay dalka gacanta u geliyaan quwado ajnabi ah. Sannadihii 1969-1977 wuxuu Maxamed Siyaad Barre lisanayey Ruushka sidii geel irmaan. Sannadihii 1977-1990 wuxuu lisanayey wadammada reer galbeedka (sida Mareykanka iyo Talyaaniga) iyo wadammada Carabta. Waxaan idinkugu kugu darayaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa dhisay Talyaaniga, mushaarka shaqaalahana waxaa bixin jirtay dowladda Talyaaniga. Markii ay lacagta ka joojisay 1989-kii, waxay Guddigii Baarlamaanka Talyaanigu u xilsaareen in la soo qiimeeyo ay hoosta ka xarriiqeen inay la mid tahay high school (akhri buugga mutacallimka Talyaaniga ah ee Paulo Tripodi). Si kasta ha noqotee, wax kasta oo dalka loo dhisay xukun-jaceylkiisii oo keenay fashil siyaasadeed ayay ku burbureen.

Wuxuu yiri sarkaalku: ‘Dowlad la ixtiraamo ayaan ahayn’. Wwaxaan ugu jawaabay: markii hore ma waxaan ahayn dowlad aan la ixtiraamin? Bilcaksi, sannadihii dahabiga iyo dimoqraadiyadda (1960-1969), waxaan ahayn waddanka ugu dimoqraadisan Qaaradda Afrika (fiiri warbixinta mac-hadka cilmi-baarista Mareykanku uu ka qoray Soomaaliya sannadkii 1966-kii). Ma jirin isu xoog-sheegasho iyo is af-qabasho. Ma jirin xitaa hal nin oo Soomaali ah oo xabsi u dhex jiifa arrimo siyaasadeed (political detainee). Tusaale, General Axmed Jilicow Caddow wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sar-sare ee sirdoonka Maxamed Siyaad Barre, qaasatan qeybta cabburinta, cadaadiska iyo jirdilka ee u xilsaaran xabsiyada. Buuggiisa, Gelbiskii Geerida, wuxuu ku sheegay in 1960 illaa 1969 uusan jirin qof Soomaali ah oo siyaasad loo xiray. Wuxuu is barbar-dhigay maamulkii rayidka iyo taliskii militariga, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in 1980-kii ay xabsiyada ka buuxeen kumannaan kun oo siyaasad ahaan lagu soo xirtay, ayna ku hayeen xabsiyada si bilaa sharci ah. General Jilicow, wuxuu soo bandhigay wax u eg statistics oo muujinaysa tirada xabsiyada ku jirtay, xabsiyadaas oo si joogto ah la isugu jirdili jiray, xanuunyahana la isaga siibi jiray. Guud ahaan, General Jilicow wuxuu jiilasha soo socda u record-gareeyey wixii uu la kulmay ama uu ogaa.

Wuxuu yiri sarkaalku: ‘Lacag hadduu xaday reerkiisa ayay ka muuqan lahayd’. Waxaan ugu jawaabay: nin weyn markuu wax tabcanayo ma isagaa isugu tala-gala, mise carruurtiisa? Ma jiro ubadkii Maxamed Siyaad Barre (rag iyo dumar) mid aan guri, boos ama beer aan ku lahayn Muqdisho iyo dhulalka webiyada (fiiri faylasha dhul-bixinta damanyaale iyo munishibaale ee Bollettino Ufficiale). Dhanka dibadda, wuxuu Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo walaalkiis ahaa guryo ka dhistay Mareykanka (California) iyo Faransiiska (Paris). Magaalada Paris oo keliya waxaa ku yaalla laba guri oo villooyin ah oo waaweyn. Xaggee laga keenay lacagtaas? Dhanka Muqdisho, wuxuu Cabdiraxmaan ka mid yahay dadka ugu guryo badan magaalada Muqdisho. Ma oran karnaa guryahaas walaalkiis ka weyn ayaa isaga ku qortay oo wuu ka sii dhacay?

Wuxuu yiri sarkaalku: ‘Guriga Shaqaalaha, waxaa lahaa Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna siiyey dowladda’. Waxaan ugu jawaabay: waa run arrintaas, laakiin guriga sidee lagu dhisay markii hore? Maxamed Siyaad Barre wuxuu guriga dhistay kaddib markii uu abaal marin lacageed ka helay sirdoonka Talyaaniga, kaddib fulintii dilkii Kamaaluddiin Saalax sannadkii 1957-kii (waa arin ay waajib tahay in la baaro maalinta ay dalka ka dhalato dowlad dhab ah oo Soomaaliya u wada dhexeysa). Is-weydii sidee nin askari ah oo baahan ku dhisan karaa fooq dheer? Ku darso, Guriga Shaqaalaha wuxuu ahaan jiray biibito shaaha laga cabbo oo uu lahaa Maxamed Siyaad Barre, waxaana u gadi jiray Yuusuf Abuu Raaas oo uu markii dambe ka dhigay Duqa Magaalada Muqdisho. Adiga ayaan ku weydiiyey, sidee nin tabakaayo gadayey 1960 uu labaatano sano kaddib ku noqday Duq Magaalo? (waxaan soo wadaa maqaal aan isku barbar-dhigaayo Yusur Abraar iyo Yuusuf Abuuraas). Biibitada waxaa kaloo gadi jiray Maxamuud Khaliif oo markii dambe noqday taajir weyn xilligii taliskii militariga.

Wuxuu yiri sarkaalku: ‘Wuxuu ahaa iyo wuxuu yahay taariikhda xuseysaa’. Waxaan ugu jawaabay; waa runtaa, taas ayaadan been ku sheegin. Taariikhduse uma xuseyso sida kuwa qabyaaladda iyo caadifaddu hayso ay ugu ooyayaan Maxamed Siyaad Barre ee si kale ayay u xusaysaa oo ah sidii ay u xustay Adolf Hitler, Mengistu Haile Mariam, Mobutu Sese Seko iyo kuwii la midka ahaa ee gaba-gabeeyey dalalkooda, kana tagay dhaxalka foosha xun.

Wuxuu yiri sarkaalku: ‘Soomaaliya haddii aad tegi laheyd baad dareemi laheyd sida loogu xiisay [aabbe Siyaad]’. Waxaan ugu jawaabay: waa tagay Soomaaliya, waxaana Muqdisho jooga maafiyo ku shaqeysanaysa laba kooxood: kooxihii u adeegi jiray Jaalle Siyaad iyo kooxihii ka haray qabqablayaasha dagaalka. Labada kooxood, maadaama ay dambiilayaal yihiin waxay isla buunbuuniyaan Maxamed Siyaad Barre, si ceebtooda ay u qarsoonto.

Wuxuu yiri sarkaalku: ‘Research-kaada dib ugu laabo’. Waxaan ugu jawaabay: fadlan, ha naga sii hadalsiinina, ma rabno inaan sii hadalnee. Jawaabahaan kaddib, waanu is fahannay sarkaalkii sare ee Soomaaliyeed, si buuxda ayaanu isku afgarannay, wuuna ku qancay jawaabtii aan ka siiyey wax-weydiintiisii (cilmigu wuxuu ka dhashaa su’aal iyo jawaab). Sarkaalka sare oo ah nin ay ka muuqato maskax-furnaan wuxuu haddeer iigu maqan yahay oo uu ii raadiyey heshiiskii uu Maxamed Siyaad Barre la saxiixday Mengistu Haile Mariam sannadkii 1988-kii, heshiiskaas oo taliskii militarigu ugu saxiixay Itoobiya inay iyadu iska leedahay dhulka Soomaali Galbeed. Maqaal kale ayaan kaga hadli doonaa arrintaas, haddii ay noo suura-gasho, haddii Alle idmo. Ujeedkeennu ma ahan inaan ceebihii taliska raadinno ee waa inaan cashar ka baranno taariikhdii foosha xumeyd ee dowladnimo ee aan soo marnay, si aan maanta xal ugu helno dalkeenna, ummaddeennuna ula saanqaado ummadaha kale ee adduunka. Ma shaqeynayso inaan been ku dhisno aasaaska dowladnimadeenna. Ogaada, haddaan sidaas yeelno, berri ayay sidii oo kale iyo si ka sii fool xun nooga dumi doontaa.

W/Q: Mohamed Haji Ingiriis: Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News