Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in maamulka Puntland aanu wax shuqul ah ku lahayn soo xulista xildhibaannada cusub ee ka iman doona deeggaannada maamulka Khatumo ku abtirsada.
Dhowaan ayay ahayd markii dowladda Somalia ay heshiis ay la gashay Cabdi Weli Gaas ku ogolaatay in Puntland ay soo xusho dhammaan xildhibaanada ka imanaya deegaanada Khaatumo.
Cali Khaliif Galeydh wuxuu kaloo sheegay in maamulkiisu aanu qeyb ku yeellan doonin soo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelan doonto.
Hadalka Cali Khaliif Galeydh ayaa jawaab u ah madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagu sheegay in isimada Puntland ay soo xuli doonaan xildhibaannada Sool iyo Sanaag ka iman doona.
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/04/ede99d4a-93b5-4c50-bc1b-d4c76f6dce9e.mp3″]
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

