Wareysi: Hadaan Al-Shabaab deg deg looga xoreyn Ceelbuur qof nool loogu tegi maayo

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale ayaa ka hadlay diyaar garowga dagaal ee kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo degmadaas iyo guud ahaan Galmudug.

Guddoomiye Guutaale wuxuu sheegay in dhulka ay Al-Shabaab joogaan ay ka jirto xaalad aad u adag, isla markaana uu laba jibaarmay cadaadiska ay kooxdu ku geyso shacabka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ku jiraan diyaargarow maalmaha soo socda Al-Shabaab looga saaro Galgaduud iyo Mudug, waxaana xusid mudan in Ceelbuur ay tahay halka degmo ee Al-Shabaab ay ka maamulaan Galmudug.

Guddoomiye Nuur oo wareysigaan siiyey Idaacadda Risaala ayaa sheegay in howlgalka la qorsheynayo uu abaabulkiisu ka socdo Aadan-yabaal, Ceeldheer iyo Maxaas oo ka kala tirsan Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii hoggaamineysay ciidankii xoreeyey degaanka Wabxo oo hoos taga degmada Ceelbuur, inkastoo ciidankaasi ay dib ugu laabteen degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

“Hadda waan diyaar garownay howlgalkana waan bilaabeynaa, dhowr jiho ayaan ka soo qaadi doonaa duulaankaan, waana loo diyaar garoobay,” ayuu yiri Guddoomiye Nuur Xasan Guutaale.

Guddoomiyaha ayaa qiray inuu gaabis ku yimid howgalkii lagu xoreyn lahaa degmada Ceelbuur, balse wuxuu sheegay in hadda ay dib isku soo abaabuleen oo qorshaha duulaankaan uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha xoogga dalka.

“Aagga Ceelbuur aad ayey u buux dhaafiyeen Al-Shabaab, Ariga iyo ayaga waa isla egyihiin, dadkii ayey xoolaha la cunaayaan, kumanaan qoys ayey isku keeneen, si ay gabaad uga dhigtaan dadka,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa codsaday in deg deg loo xoreeyo Ceelbuur, “Hadii aan deg deg loo xoreyn dadkaas nolol looguma tegi doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Nuur Xasan Guutaale.

Hoos ka dhageyso wareysiga