Wareysi: Maamulka Maxaas oo shaaciyey khasaaraha dagaalkii halkaas ka dhacay

Maxaas (Caasimada Online) – Waxaa degan xaalada magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo saacadihii lasoo dhaafay ay ku dagaalameen ciidamada dadka deegaanka iyo guuto ka mirsan militeriga Soomaaliya oo Maxaas degan.

Masuul ka tirsan maamulka degmada Maxaas oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay israsaaseyntii ka dhacday gudaha degmada Maxaas.

Maamulka degmada Maxaas ayaa shaaciyey in laba nin oo dhinacyada dagaalamay ah ay ku dhinteen israsaaseynta, halka laba askari oo kale ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen.

Wuxuu sheegay masuulka u hadlay maamulka degmada Maxaas, in markii hore uu dagaalkaasi ka bilowday dilka nin oday ah oo askari ka tirsan militeriga Soomaaliya uu ku dhex toogtay suuqa degmada, oo xiligaas aad u mashquul badnaa.

Intaas kadib wuxuu sheegay in ciidamada deegaanka ay weerareen guutada Khaalid Binu Waliid oo askariga dilka geystay uu ka tirsanaa, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal culus oo xalay maqribkii kadib soo gaaray.

Israsaaseyn xoog leh kadib, ciidamada Khaalid Binu Waliif ayaa dib uga gurtay goobta, waxayna ku aruureen xeryahooda, intaas kadibna waxaa magaalada ka bilaabatay waan waan ay wadaan masuuliyiinta deegaanka iyo saraakiil uu ku jiro Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo hoggaaminaya guutada Militeriga ah ee Maxaas dagaalka ku gashay.

Ciidamada uu hoggaaminayo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa muddooyinkaan ku sugnaa degmada Maxaas halkaas oo si nabad ah ay ku joogeen, balse maanta ayey dadka ku nool magaaladaas kala kulmeen caro xoog leh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xalay oo dhan waxaa Maxaas ka socotay waan-waan xal loogu raadinayo gacan ka hadalkii dhex maray labada ciidan ee kala ah guutada Khaalid Binu Waliid oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo maleeshiyaadka hubka qaatay ee dadka deegaanka oo dagaal adag la soo galay Khawaarijta Al-Shabaab.