Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sidoo kalena ah ergeyga madaxweynaha ee arrimaha abaaraha ayaa dhawaan qoraal u direy madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Warqaddaas ayaa waxa uu kaga hadley tallooyin ku aadan arrimo dhowra oo ay ka mid yihiin hanaanka doorashada, dastuurka iyo siyaasad loo dhan yahay.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay VOA ayaa faah-faahin ka bixiyay waxa ku qornaa warqadaasi, isaga oo sheegay in madaxweynaha uu la wadaagay in nidaamkii kusoo baxay heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran uusan waaqici ku dhisneyn.
“Madaxweynaha waxaa la wadaagay in nidaamka hadda uusan dalkaan u saalix aheyn, waxaa ka hadlay in laba xisbi iyo dastuurka la beddelo iyo weliba in mashaariicdaas waaweyn oo dhan aan lagu fulin karin afar sano,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qoraalkaas uu madaxweynaha kula wadaagay in madax goboleedyada oo badankooda uu muddo xileedkooda dhamaaday ama gabaabsi yahay aysan laheyn sharciyad ay uga go’aan gaari karaan masiirka dalka.
“Dadka kala heshiinaya arrintaas in iyaga laftooda ee dowlad uu muddo xileedkoodii dhamaaday oo aysan laheyn sharciyad iyo amaanad ay dal masiirkii ku gooyaan aysan laheyn.”
Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa aaminsanahay in waxaan niyad wanaag ka tahay madaxweynaha oo ay ka tahay in dalkaan hore loo dhaqaajiyo. Arrintaan waxay u baahan tahay dood adag oo furan oo saraaxa ah oo dadka ka baxsan siyaasiyiinta ah ee khubarada ah ee dastuurka iyo sharciga yaqaan la keeno.”
Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha uu qaatay qaar kamid ah tallooyinka u jeediyay, taasi oo aheyd in uu la fariisto saamileyda siyaasadda, oo uu dadka talo galiyo oo uu la tashado, taasi oo uu dhawaan sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh.
“Tallooyinka qaar ee aan siiyayna waa fuliyay, waa ku mahadsan yahay madaxweynaha,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi siiyay VOA.
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda Xasan ay xoogga saarto oo hirgeliso nidaamka xisbiyada oo kal xukunkiisi hore sharci la xiriira la ansixiyay, lagana dhigo tiro wadar-ogol ah, kadibna la qabto doorasho qof iyo cod ah haddii laga gaaro.
“Waa in xisbiyadii la furaa oo waxaa laga dhigi karaa 10 sida Turki oo kale ama waa la kordhin karaa ama laga yareyn karaa, waa in dadkii Baarlamanka ee Xildhibaannada lagu qasbaa in xisbiyada galaan, oo doorasho qof iyo cod ah ama doorasho toos ah waa in la qabtaa middii laga gaari karo.”
Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran;