Wareysi: Maxaa muhiim ka dhigaya in FARMAAJO laga wareejiyo amniga qaranka?

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo, haatana ah Madaxa Machadka cilmi baarista ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sharaxay qaabka ay ku suurta geli karto in amniga qaranka laga wareejiyo Farmaajo oo lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qodobka ugu weyn ee la dhaqaaji waayey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waa sidee amniga guud ee qaranka loogu wareejiyaa Ra’iisul Wasaare Rooble? Xilli dhawaan ay xubnaha Midowga Musharixiintu soo jeediyeen in amniga dalka toos loogu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Xuseen Macalin ayaa ugu horeyn sheegay in Soomaalidu ay fasiraad qaldan ka heysto awooda madaxweynaha ee ah Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, isagoo sheegay in ciidanka sharcigu xusay uu yahay militeriga oo kaliya.

“Awooda Madaxweynaha iyo meesha uu kasoo galo amniga hadii aan sharaxo, maxadweynuhu waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, laakiin sida dastuurka ku qoran ciidamada qalabka sida waa militeriga oo kaliya, marka uu awooda taliyaha adeegsa karana, waa markii uu dalku galo dagaal iyo xaalad deg deg ah, oo baarlamaanku uu madaxweynaha siinayo awoodo gaar ah,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in hadda ay muhiim u tahay dowladnimada Soomaaliya in amniga toos looga wareejiyo Farmaajo, maadaama ay doorasho socoto, lana aaminsan yahay in ciidanka lagu boobi karo doorashada.

“Si howsha doorashada uu u daadihiyo Ra’iisul wasaare Rooble waa in talisyada ciidamada qaranka uu toos ula wareego, taasi waxay muhiim u tahay in hab-dhaqanka ciidanka ilaaliya doorashooyinka ay is xakameeyaan oo dano gaar ah aysan fulin, Rooble maadaama uusan musharax aheyn markaas doorashadu waxay noqa doontaa mid ka madax-banaan in la isku awood sheegto,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Ugu dambeyntii Xuseen waxa uu sheegay in dhaqankaan ah ‘madaxweynuhu waa taliyaha guud ee ciidanka qaranka’ laga soo min guuriyey taliskii Maxamed Siyaad Barre, balse uusan ku qoreyn shuruucda dalka, sida uu sheegay.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii